Dib-u-magacaabida Odowaa: Beegsiga mucaaradka mise shirqool khaarijin?

Image
Dadka ayaa ku kala qeybsamay sababta haatan loosoo celiyay iyadda oo ay jiraan xiisado siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meelmariyay in General Odowaa Yusuf Raagge loo magacaabo Taliyaha Milatariga Soomaaliya isaga oo badalaya Muxiyadiin Sheekh Ibraahim. Magacaabidan waxay imaanaysaa xilli dalka ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka.

Isbadalkan lagu sameeyay taliska ciidamada ayaa jawaab u ah dib u dhacyadii ugu dambeeyay ee ku yimid dadaalada dalka ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Kooxdan ayaa weerarro ku qaaday xarumaha ciidamada, iyagoo geystay khasaare aad u badan, iyadoo ciidamada Soomaaliua ay weli ku guuleysan la'yihiin  guulo la taaban karo.

Waa markii labaad oo Odowaa xilkan loo magacaabayo. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta markii hore xilka looga qaaday, ayaa haddana dadka u dhuun daloola arrimahaasi waxay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay gaabis ku yimid howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo soo bilowday markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka la wareegay 2022-ka.

Hase yeeshee Ibraahim Sheekh Muxiyidiin oo haatan xilka laga qaadey ayaa intii uu xilka hayay waxba ka duwanayn, iyadoo ciidamada qaranku ay ku guul-darreysteen inay buuxiyaan qaar ka mid ah waqtiyadii adkaa ee loo baahnaa oo ay ka mid yihiin, balse aan ku koobnayn sugidda ammaanka gobollada dhexe iyo Koonfurta.

Marka la eego tirakoobka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa wax wanaagsan qabtay mudadii u horeysay ee uu ahaa taliyaha Ciidamada laga soo bilaabo 2019 illaa 2023.

Dadka ayaa ku kala qeybsamay sababta haatan loosoo celiyay iyadda oo ay jiraan xiisado siyaasadeed. Qaar ayaa tuhunsan in loo adeegsan karo arrimo siyaasadeed maadaama uu yahay "amar-qaate daacad ah" halka kuwa kale ay ka digayaan in shirqool lagu dilo.

Raage ayaa caan ku ahaa weeraradii uu ku qaadi jiray madaxda mucaaradka oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh xilliyada ololaha doorashada ee dhamaadka xilliga Farmaajo.

Dib u magacaabistiisa ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka uu ka jiro qalalaase siyaasadeed oo uu wado Xasan Sheekh oo uu ku doonayo inuu wax kaga bedelo dastuurka iyo dib u dhigista doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Caro ka dhalatay agaasime u gafay shacabka Koonfur Galbeed

Ninkan ayaa xilka agaasimaha ku helay aflagaaddo joogto ah uu ka geysan jiray fagaarayaasha Muqdisho.

  • Faaladda Warka

    17-09-2024

  • 02:19PM

Raasumaalka siyaasadda Camar Cabdirishiid iyo rar xumadda haysata

Marka laga hadlayo dhanka metelaadda, Cumar waxa uu Puntland ku metelayay…

  • Faaladda Warka

    03-04-2022

  • 09:33PM