FAALO: Geeska Afrika oo mar kale qarka u saaran dagaal — Maxaa kala kaxeeyay Itoobiya iyo Ereteriya?
ADDIS ABABA / ASMARA — Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee dariska ah, Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa mar kale gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo cabsi weyn ka dhalisay gobolka Geeska Afrika oo ah marin istiraatiiji ah oo ku teedsan Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab.
Labada waddan ayaa leh taariikh dheer oo colaadeed. Dagaalkii 30-ka sano qaatay ee xornimada Ereteriya (1961–1991) ayaa sababay dhimashada boqolaal kun oo qof, halka khilaaf xuduudeed oo aan xal loo helin uu horseeday dagaal dhiig badan ku daatay intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000.
Inkasta oo heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo la saxiixay sanadkii 2018 uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku muteystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize sanadkii 2019, haddana isla hoggaamiyahaas ayaa maanta wajahaya halis dagaal toos ah oo uu la galo Asmara. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ereteriya ay dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen magaalooyinka ku yaalla xadka waqooyiga Itoobiya, iyaga oo isbahaysi la samaysanaya kooxihii hore ugu kacnaa Addis Ababa ee gobolka Tigray.
Isbeddelka Isbahaysiyada iyo Dano Is-diiddan
“Xiisadda u dhaxaysa labada dal waxay u sii kordhaysaa sababtoo ah dhinac kastaa wuxuu leeyahay sababo u gaar ah,” ayuu yiri Yunus Turhan, oo ah bare-sare oo ka tirsan Jaamacadda Haci Bayram Veli, isla markaana ku takhasusay xiriirka Khaliijka iyo Afrika.
Turhan wuxuu tilmaamay in mowqifka Ereteriya ee colaadda gudaha Itoobiya uu isbeddelay — iyada oo ka wareegtay taageeradii xukuumadda dhexe una weecatay garab-siinta mucaaradka Tigray (TPLF). Isbeddelkan ayaa ku soo beegmay damaca xooggan ee Itoobiya — oo ah dal aan bad lahayn — ay ku doonayso marin badeed toos ah oo ku yaalla Badda Cas, gaar ahaan dekedda istiraatiijiga ah ee Casab (Assab).
Asmara, oo laga saaray wadahadalladii nabadeed ee Pretoria ee 2022 dhexmaray dowladda Abiy iyo kooxda TPLF, ayaa u aragtay abaabulka iyo hadallada kasoo baxaya Addis Ababa khatar ku wajahan madaxbannaanideeda dhuleed. Sida uu xusay Turhan, Madaxweyne Isaias Afwerki wuxuu TPLF hadda u arkaa xulafo dabiici ah oo ka hortagi karta damaca Abiy ee dekedda Casab.
Dhanka kale, samaysanka isbahaysi cusub oo ay ku midoobeen TPLF iyo lix kooxood oo kale oo mucaarad ah oo doonaya in xukunka laga tuuro Abiy, ayaa xukuumadda Addis Ababa u muuqata faragelin toos ah oo ay Asmara ku hayso arrimaheeda gudaha.
Doodda "Xabsiga Juqraafi" iyo Cadaadiska Gobolka
Raiisul Wasaare Abiy Axmed ayaa caan ku ah inuu arrimaha muranka dhaliya u beddelo qadiyado qaran si uu u mideeyo shacabkiisa — sida Biyo-xireenka Weyn ee Abbay (GERD) oo kiciyay xiisadda Masar, iyo hadda oo uu safka hore soo geliyay helitaanka bad toos ah.
Khudbad uu u jeediyay baarlamaanka kadib markii loo dhaariyay muddo-xileed labaad, Abiy wuxuu sheegay in waddan ay ku nool yihiin 130 milyan oo qof uusan ku sii jiri karin wax uu ku tilmaamay “xabsi juqraafi ah.” Hadallada noocan ah ayaa Asmara u fasiratay hanjabaad toos ah oo duullaan noqon karta.
Isku-dhacyadan maxalliga ah ayaan ku koobnayn labada qaran oo keliya. Goobta istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo marinka Bab al-Mandab — oo ay sii dheer tahay colaadda Yemen ee ka tallaabsan Badda Cas — waxay horseedeen in loolanka awoodaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahi uu soo dhexgalo xiisaddan.
Marka la eego kalsooni-darrada qotada dheer ee labada dhinac, sida uu falanqeeyuhu ku soo gabagabeeyay: talaabo kasta oo dhinac qaado, dhinaca kale wuxuu u arkaa xaqiijinta cabsida iyo malo-awaalka ugu xun ee uu ka qabay kan kale.
GAROWE ONLINE