Hooyo cunugeeda gelisay gaari kulul, daaqadanahana dalacdey oo la xiray

Image

UTAH, US – Booliska Mareykanka ayaa waxay xabsi u taxaabeen haweenay ay sheegeen in ay cunugeeda gelisay gaari kulul, daaqadahana u dalacdey.

Jesica Brown ayaa u sheegtay hay’addaha dambi baarista in ay talaabadan u sameysay markii uu ku kacay fal aqlaaq xumo ah intii ay joogeen beer nasasho ah.

Bileyska ayaa ilmaha kasoo saarey gaariga, oo ay sidoo kale kasoo heleen agabka caruurta lagu ciyaarsiiyo iyo maandooriye.

Ciidamada ammaanka oo shan daqiiqo kadib goobta yimid ayaa tibaaxay in heer-kulka kuleelka uu marayey 82.

Brown ayaa lagu soo oogey dacwad ah in ay dayacday ubadkeeda iyo sidoo kale in ay isku dayday in ay daroogeyso wiilka oo 4-jir ah.

Illaa iyo haatan kama aysan jawaabin eedeymaha loo jeedin, balse waxaa la filayaa in maxkamad lasoo taago.

Sikastaba ha ahaatee, kiisaska noocaan ah oo ah kuwa dhif iyo naadir ah ayaa waxaa aad ula qarac-mey dadka deriska ah, kuwaasi oo bileyska ku war-geliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM