Jubaland oo uruurineysa "xogta dhibaatooyinka" xayiraadda Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in uu uruurinayo "dhibaatooinka ka dhashay" xayiraada dhanka socdaalka oo ay dowladda federaalka saartay Kismaayo.

Villa Soomaaliya ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya Kismaayo in ay soo gudbiyaan codsi 24-saac kahor safarkooda.

Talaabadaas ayaa lagu macneeyay isku day xukuumadda ku dooneysay in ay ku baajiso xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo ay qaadacdey dib u doorashadiisii 22-ka bishii August.

Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka, ayaa tibaaxay in dhibaatooyinka ay isugu jiraan "dhimasho iyo xaalado caafimaad" oo rayid soo gaarey.

"Dowladda waxaan ugu baaqeynaa in ay qaado xayiraadda sharci daradda ah, oo ay ku ciqaabayaan dadkooda," ayuu ku sheegay wareysi siiyey gaar ah oo uu laanta Af Soomaaliga ee idaacada VOA-da.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo warar soo baxaya ay qeexayaan in Isbitaalka guud ee Kismaayo oo si maalinle ah loog geyn jiray daawooyinnka ay saameyn ku yeelatay "go'doominta".

"Dacwadeedana waan diyaarineynaa," ayuu ku daray Injineer Cabdi, isaga oo aan fahfaahin waxay tahay dacwadda.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horey uga dhawaajiyey in ay gal-dacwadeed ka dhan ah hogaanka dowladda federaalka ay u gudbin doonan Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ah ee ICC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM