Kay oo ka walaacsan dibudhaca doorashooyinka Somaliland

Image

May 13, 2015 (GO)- Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa maanta oo Arbaco ah walaac xooggan ka muujiyay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland oo dib loo dhigey muddo 22 bilood ah.

Kay ayaa farriin uu soo dhigey boggiisa Tiwtterka ku sheegay, in muddo kordhinta Golaha Guurtida ee Somaliland muddo sanad iyo 10 bilood ah, ay u baahantahay in dib looga fiirsado.

“Si qotodheer baan uga walaacsanahay  go’aanka dib loogu dhigay doorashooyinka Somaliland muddo 22 bilood ah,” ayuu ku qoray Kay twitter ka, isagoo xoojinaya inay tahay wakhti tusaale wanaagsan loo sameeyo dimuqraadiyadda.

Walaacan cusub ayaa imanaya maalin ka dib markii Golaha dhaqanka sanad iyo 10 bilood ku kordhiyeen wakhtiga uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud xafiiska sii joogayo.

Muddo kordhinta ayaa dhalisay mucaarad xoogan, iyadoo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani uu ugu yeeray go’aanka ‘Sharcidarro’.

Ciidamadda booliiska ayaa xoog ku galay xafiisyadda xisbiga Wadani, iyagoo xiray xubno isla markaana kala diray mudaharaad dowladda looga soo horjeedo oo ka dhacay magaaladda 2aad ee ugu weyn Somaliland, Burco.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM