Kenya oo go'aan ka gaareysa ansixinta heshiiska shidaal baarista ee Qadar
MUQDISHO, Soomaaliya – Kenya ayaa qalinka ku jiideysay heshiis shidaal iyo Gaas baaris ah oo ay la gashay Qatar Petroleum, oo ah shirkad hoostagta xukuumadda fadhigeedu yahay Dooxa.
Bishii hore ayay shirkaddan ku dhawaaqday in ay saxiixatay heshiiskaasi oo ay ku wehliyaan shirkado kale oo laga leeyahay dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga kuwaasi oo kala ah; Total iyo Eni.
Andrew Kamau, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka Kenya, oo warkan shaaca ka qaadey ayaa wuxuusan soo bandhigin goorta ay dowladda wadankaasi si rasmi ah u ansixineyso.
Kheyraadkan dabiiciga ah oo laga baadi goobaya degaan xeebeedka Lamu ayaa lagu soo saari doonaa Shidaalka nooca loo yaqaano Basiinka, waxaana si gaar ah heshiiska uu u quseeyaa saddex xirmooyin.
"Haa ogolaanshiyaha waa la bixin doonaa," ayuu Mr Kamua u sheegay wargeyska Business Daily, isaga oo u soo marinaya nuqul kamid ah qandaraaska oo si faahsan loogu soo gudbin warbaahinta.
Axdiga oo u baahan in dhamaan hay’addaha dowladda Kenya ay meel-mariyaan ayay Qatar Petroleum ku helaysaa 25%; Eni ayaa yeelan doonto 13.75%; Total dhankeeda waxay qaadan doontaa 11.25%.
Xirmooyinka la baarayo oo sumahooda ay kala yihiin; L11A, L11B iyo L12 ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin kuwa aanan horey wax soo saar u gelin.
Goobta shidaalka laga raadin doono ayaa dhan 15 Km oo isku wareeg ah; balaca ahaanna waa 1,000 [kun] illaa iyo 3,000 [saddex kun]. Eni ayaa sidoo kale leh xirmooyinka L21, L23 iyo L24.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta ee Qadar, Saad bin Sherida al-Kaabi, oo farxad ka muujiyey heshiiska ay galeen ayaa xusay in uu yahay mid qayb ka ah xoojinta joogitaankooda Geeska Afrika.
Sikastaba ha ahaatee, qandaraaskan ayaa imaanaya iyadda oo ay taagan tahay dacwad xuduud badeed ah oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo Maxkamada Cadaalada Aduunka hortaala.
GAROWE ONLINE