Kenya oo Somaliland ku tilmaamtay "dal" xili xiriirka DF uu sii xumaanayo

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Xili ay cirka isku sii shareerayso xiisada diblumaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi, ayaa dowladda Kenya waxay u muuqataa mid dardargelineyso cadaadiska ay saareyso Soomaaliya.

Waaxda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay qaabishay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud [Faratoon], iyadda oo qoraal ay wasaaradu soo saartay muran keenay.

Bayaanka oo lagu daabacay barta wasaaraddu ku leedahay Twitter-ka ayaa loogu yeeray Somaliland "waddan" xili dunida inteeda kale uu arko maamul hoostaga dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

"Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Macharia Kamau, waxa uu galabnimada [Khamiista] uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamed. Labada dhinac waxay kawada hadleen danaha ay wadaagaan labada dal iyo qaabka loosii xoojin karo iskaashiga," ayuu u qornaa warka.

Xukuumada Muqdisho illaa iyo haatan kama aysan fal-celin talaabada cusub ee ay ku dhaqaaqday dhigeeda Nairobi.

Balse wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay ka baaran-dagayaan jawaabta ay arrintaan ka bixineyso.

Talaabada haatan soo if-baxdey oo qeyb ka ah kuwa ay Kenya culeys ku saareyso Soomaaliya kordheyna bilooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa kasii horeeyay dab-cinta cilaaqaadka, musaafurinta mas’uuliyiin iyo xiritaanka xuduudka.

Balse waxay imaaneysa xili todobaadkan Maxkamadda Cadaalada Aduunka ay muddeysay in bisha September ay dib u bilaabeyso dhageysiga gal-maqalka dacwada xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwadaasi ayey Soomaaliya gudbisay bishii Agoosto 2014-kii. Kenya ayaa tan iyo xiligaasi xusul-duub ugu jirtay sidii qaab wada hadal loogu dhameyn lahaa qadiyadaasi, dalab lagu gacan-seyray.

Faratoon ayaa Nairobi u tegay kulan isbuucaan qabsoomey, kaasi oo looga hadlay wada xaajoodka dowlada federaalka iyo Somaliland balse Villa Soomaaliya qaadacdey inta laga heshiinayo arrimo ay kamid tahay goobta.

Xukuumada Nairobi ayaa horey ugu goodisay in ay xiriir diblumaasiyadeed la yeelaneyso maamulka Hargeysa ayna ka furaneyso Qunsulyad iyado oo u mareysa dhanka ganacsiga si gaar ah duulimaadka.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in ay Kenya ogolaadeen in ay Qunsulyad ay ka furato Hargeysa. "Annagana waxay noo ogolaadeen in aan Mombasa ka furano," ayuu ku doodey.

In ka badan laba kun oo muwaadiniin Kenyan ah ayaa la sheegayaa in ay ku nool yihiin degaaanada Somaliland kuwaasi oo badankooda la shaqeeya hay'addaha caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM