Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta Rako tegey

Image

March 25, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey ayaa maanta gaarey degmada Rako ee gobolka Karkaar.

Wafdiga madaxweyne ku-xigeenka waxaa qayb ka ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Mas'uuliyiinta degmada Rako Raaxo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdigaas si diirran usoo dhoweeyey.

Booqashadan ayaa salka ku haysa sidii dowladdu usoo qiimeyn lahayd xaaladda deegaanka islamarkaana ugu kuurgeli lahayd waxa ka dhaqan galay heshiiskii dhowaan laga gaarey colaad in muddo ah ka taagneyd dhulka miyiga ah ee degmadaas hoos taga.

Waxgaradka beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ayaa heshiiskaas si rasmi ah qalinka ugu duugey.

Heshiikan oo dowladdu garwadeen ka ahayd wuxuu ka koobnaa toban qodob, waxaana kamid ahaa in labada beelood tii heshiiska jebisa meel looga soo wada jeensan doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM