Magaca sarkaal AlShabaab duqeyn looga dilay oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose oo lala beegsaday AlShabaab.

Warbaahinta Qaranka ayaa Axadda maanta ah baahisay in weerarkaas cirka ah uu ka dhacay nawaaxiga Awdheegle ee gobolkaas hoostaga Koonfur Galbeed.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, howlgalka ayaa waxaa lagu dilay tobanaan uu kamid yahay Xasan Abshir Jabriil, oo kamid horjoogeyaasha kooxdaas.

Jabriil ayaa wuxuu si gaar ah uga tirsan hogaamiyeyaasha guutadda loo yaqaano Jabhadda ee qaada howlgaladda weerarada tooska ah.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ma aysan carabaabin goorta la fuliyo howlgalka iyo dalka iska leh diyaaradhaa qaaday duqeynta.

Hase ahaatee, Mareykanka ayaa qaybo kamid ah Soomaaliya ka geysta duqeymo ka dhanka ah maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida iyo Daacish.

Dhinaca kale, ma jiro wax jawaab ah oo illaa iyo haatan oo ay dhinaca ururka Al-Shabaab kasoo saartey sheegashadda xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM