Mas'uuliyiin Jubaland ah oo lagala noqday Baasaboorka diblumaasiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baabi'isay Baasabooradda diblumaasiga ee qaar kamid ah mas'uuliyiinta Jubbaland, sidda ay xaqiijiyeen illo kala duwan.

Mas'uuliyiinta Baasaboorkooda la laalay ayaa waxay isugu jiraan Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno sar-sarre oo maamulka Kismaayo ka tirsan kuwaasi oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo xukuumadda ay ku amartay diyaaradaha tegaya Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Ma cadda sababta keentay in xubnahan lagala laabto Baasaboorka diblumaasiga. Lamana ogga hadii ay wax xiriir ah la leedahay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Jubaland iyo Villa Soomaaliya.

Isqabqabsiga labadda dhinac oo soo jiitamayay in muddo ah ayaa ku aadan doorashadda Jubbaland ee qabsoontay 22-kii August, taasi oo uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxtooyadda Qaranka oo qaadacday guusha Axmed Madoobe ayaa kordhisay cadaadiska, waxayna soo kortay go’aano u muuqda kuwa ay isugu dayeyso in ay ku baajiso caleema saarkiisa.

Munaasabadda oo loo muddeeyay 26-kii bishan September ayaa dib u dhacday. Wallow, maamulka uu ku dhawaaqay in sidda ugu dhaqsiyaha badan uu u shaacin doono jadwalka xiga ee xaflada.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, oo kamid ah madaxda la casuumay ayaa loo diiday in uu u dhoofo Kismaayo, talaabadaas oo si adag loogu dhaliilay dowladda.

Xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay maamulka hawada dalka u adeegsaneyso hub siyaasadeed si ay u gaarto dano gaar ah oo ay leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM