Maxkamad ku taala Ireland oo xukun ku riday shaqsi Soomaali ah
DUBLIN, Ireland – Maxkamad ku taala Jamhuuriyadda Ireland ee Boqortooyadda Ingiriiska ayaa waxay xukun ganaax ah ay garka u gelisay shaqsi Soomaali ah.
Xasan Macow, 39-sano jir ku nool degaanka Dundalk, ayaa waxaa lagu xukumay in uu bixiyo $230 [Laba boqol iyo kontan kun oo Doollar-ka Mareykanka ah]
Macow ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu raadinayey dhalashadda Ireland isaga oo adeegsaneysa Baasaboor Soomaali ah kaasoo lagu sifeeyay mid been abuur ah.
Baareyaasha oo maxkamadda hortegay ayaa u sheegay xeer-beegtadda in eedeysanaha uu qaatay Baasaboorka bugta ah bishii December ee 2016-kii.
Dabagalka ayaa sidoo kale lagu ogaaday in qof Soomaaliya ku nool uu u soo sameeyay Baasaboorka, uuna ku bixiyey $300 [Saddex boqol oo Doollar].
Wareysi kala duwan oo lala yeeshay ayaa waxa uu Mr Macow uu ku adkeystay in uu aaminsan yahay in Baasaboorka uu wato uu yahay mid sax ah.
Jamhuuriyadda Ireland oo dhaca qaaradda Yurub ayuu galay 2011-kii kadib markii uu ka qaxay dalkiisa. Tan iyo xiligaas wuxuu ahaa mid magan-galyo doon ah.
Dalab damaanad kusii deyn ah ayaa waxaa lagu waramayaa inuu codsaday. In uusan horey wax dambi ah ugu lug-yeelan ayaa u sahleysa in uu ku guuleystay arrintan.
GAROWE ONLINE