Milatariga Sudan iyo mucaaradka oo wada dhisaya dowlad KMG ah
KHARTUUM, Suudaan – Golaha Milatariga Ku Meel Gaarka ah ee Suudaan iyo isbaheysiga ugu weyn mucaaraadka ah ayaa gaarey heshiis ay ku sameynayaa dowlad ku meel gaar ah, sidda uu sheegay Midowga Afrika.
Maxamed Xasan Lebbatt, dhex-dhexaadiyaha AU-da ee Suudaan, ayaa tilmaamay in wakiilo ka socda labada dhinac – milatariga iyo kooxaha rayid ee dimoqraad doonka ah – ay sii wadayaan wada hadalka loogu gogol-xaarayo heshiis.
"Waxaan u sheegayaa dadka reer Suudaan, Afrikaanka iyo bulshadda caalamka in labada wafuud ay si buuxda isugu afgarteen shaacin dastuuri ah,” ayuu Lebatt ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay aroornimada Sabtida maanta ah.
Axdigan, oo qeexaya awoodaha iyo xiriirka ka dhaxeeya dhinacyada dowladda ku meel gaarka ah, ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib wada xaajoodyo ay xoojinayaa Midowga Afrika iyo dalka deriska la ah ee Itoobiya.
Suudaan ayaa dhexda uga jirta qalalaaso siyaasadeed tan iyo markii bishii April ay ciidamada inqilaab xilka uga rideen hogaamiyihii muddo dheer xukunka hayay ee Cumar Xasan Al Bashiir kadib mudaaharaadyo tobanaan lagu dilay.
Banaan-baxyada oo kasoo bilowday qiimaha maciishada oo sarre u kacday gaar ahaan Rootiga ayaa kusii baahay gobolada, iyadda oo ciidamada lagu eedeeyay in rasaas nool-nool ay adeegsanayaan.
Is-afgaradkan ayaa soo if-baxaya iyadda oo rabshado goos-goos ah laga soo warinayo wadooyinka caasimadda Khartuum iyo magaalooyinka kale, isla markaana dadka isu soo baxyadda sii wadaan.
GAROWE ONLINE