Murashax madaxweyne ahna Xildhibaan oo wadnaha laga qabtey

Image

WASHINGTON, US – Murashax madaxweyne ahna xubin ka tirsan Aqalka Sarre ee Mareykanka ayaa waxaa xanuun deg deg ah ka qabtey wadnaha, sidda ay xaqiijiyeen kooxdiisa Olalaha.

Balse, nasiib wanaag Bernie Sanders, oo 78-sano jir ah, ayaa markii Isbitaal la geeyay waxaa lagu guuleystay in la badbaadiyo uuna kasoo kabto xaaladaas.

Xanuunka ayaa kusoo booday Talaadadii xili uu ka qeybgalayey munaasabad ku saabsan ololihiisa coddeynta aadka loogu tartamayo ee sanadka 2020-ka.

Sidda ay sheegeen dakhaatiirta, laba qeyb oo kamid ah wadnihiisa ayaa joojiyey shaqadii, halka inta kale ay ahaayeen kuwa mar-xalad caadi ah ku jiray.

Bayaanka oo saxaafada loo diray ayaa lagu xusay in wadna xanuunkan uusan muujin hadii uu yahay mid ku yimid xanuun caadi ah uusana khatar ku ahayn noloshiisa.

Sanders ayaa muuqaal uu kadib soo duubay wuxuu u mahad-celiyay dakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, shaqaalaha iyo cid walba oo soo kabasho u rajeysay.

Xanuunkan lama filaanka ah oo haleelay ayaa waxa uu dhaliyey in qaar kamid ah ragga ay is-hayaan ay su'aal geliyaan hadii uu sii wadi karo olalaha iyo bad-qabkiisa.

Bishii September, muddo ayaa la waayey waayay aragiisa, sababo ku aadan codka oo uu gabay. Balse ololihiisa ayaa wuxuu kadib tibaaxay in uu wacan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM