Puntland oo "maxaabiis burcad-badeed ah" ku wareejineysa DF
GAROWE, Puntland – Maxaabiis loo xukumay burcad-badeednimo kuna jira xabsiga weyn ee Garowe, magaala madaxda Puntland, ayaa loo wareejinayaa xabsiga weyn ee laga hirgeliyay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.
Xukumaneyaasha oo tiradooda ay gaareyso 26 ayaa kolkii hore laga keenay jaziirada Seychelles, halkaasi oo lagu soo maxkamadeeyay kadib markii laga qabtay qaybo kala duwan oo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Axmed Cali Daahir, oo Talaadadii kormeeray xabsiga weyn ee Garowe, ayaa xog-wareysi kadib wuxuu indha-indheeyay xaaladaha guud ee jeelka iyo xubnahan.
Sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Puntland, maxaabiista ayaa dalbaday in mid walba oo iyaga kamid ah loo ogolaado in ay ku dhameystaan xukunka degaanadooda.
Mr Daahir, oo soo jeedintaasi sheegay in ay wax ka qabanayaan, ayaa waxaa socdaalka ku wehliyay mas'uuliyiin sar-sarre oo ka socotay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.
Maxamuud Xasan Aw Cismaan, xeer-ilaaliyaha dowladda Puntland, ayaa dhankiisa shaaca ka qaadey in qayb kamid ah maxaabiista ay ka laabteen dalabkoodii ahaa in lagu celiyo gobolada ay kasoo jeedaan.
"Inta rabta in lagu celiyo si degdeg ah ayaan uga shaqeyn doonaa oo magacyadooda aan gudbin doonaa. Waxaa laga qaadi doonaa xabsiga Garowe, waxaana loo wareejin doonan Muqdisho," ayuu raaciyey.
Puntland, oo ay ka jirto kala dambeyn iyo ammaan, ayaa safka hore kaga jirta meelaha loosoo wareejiyo Soomaalida burcad-badeednimada ay u xukumaan dowladaha caalamka ee wada gulufka ka dhanka ah shufta badeeda.
MUUQAALKA AW XASAN
GAROWE ONLINE