Ajaaniib usoo safartey ku biirida Daacishta Soomaaliya oo la qabtey

Image
Saddexdan nin ayaa labo kamid ah ay walaalo yihiin waxaana tashkiiliyey walaalkooda oo haatan baxsad ah.

NAIROBI, Kenya - Laamaha ammaanka Kenya ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo labo kamid ah ay walaalo yihiin kuwaasoo kusoo wajahnaa degaanadda Puntland si ay ugu biiraan ISIL, sidda laga soo xigtey The Standard.

Labada nin ee walaalo ah oo lagu kala magacaabo Ayub Bwanaadi, 32 jir ah, iyo Mohammed Bwanaadi, 22 jir ah iyo sidoo kale Kassim Ahmed, oo 29 jir ah ayaa lagu xiray Ismaamulka Isiolo 7-dii April iyaga oo la socday bas ku sii jeeday Mooyaale oo ay wateen waxaana qabtey Ciidanka la dagaalanka Argagaxisada (ATPU).

Saddexdan qof ayaa baxsad ka ahaa booliska kadib markii dambiyo lagu soo oogay, waxaana lagu tuhunsan yahay inay fal-dambiyeedyadaas ay ka geysteen gobolka Lamu ee ay ka soo jeedaan.

"Waxaa la soo taagay maxkamada sharciga ee Kahawa 11-kii April, halkaasi oo booliska loo qabtay muddo 30 maalmood ah in ay ku sii hayaan inta ay baaritaanada ku wadaan," ayay raacisay warbixinta majaladda.

Intii lagu guda jiray su’aalo weydiinta, seddexdan nin ayaa sheegay in ay ka soo safreen Tanzania oo ay sii mareen Lungalunga, una socdeen xaafadda Islii ee Nairobi, ayna u sii gudbi lahaayeen Itoobiya ka hor inta aysan aakhirka u gudbin Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda argagixisada ah ee Daacish.

"Waxay si dhuumaalaysi ah ku galeen dalka Tansaaniya halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayaan kadib markii uu raad kasoo galay baaritaano la xiriira dilka saraakiisha booliska, taliyayaasha, kaaliyayaashooda, iyo hogaamiyayaasha bulshada ee ismaamulka Lamu," ayay illo wareedyo u sheegeen joornaalka.

Saddexda nin ayaa si lamid ah u sheegay booliiska in qorshaha ku biiritaanka Daacish ee Puntland uu ka dambeeyay Cali Omar Bwanadi oo Ayub iyo Maxamed la dhashay. Booliisku waxay rumeysan yihiin in Cali uu hadda ku sugan yahay Morogoro, Tanzania.

Cali ayaa Kenya uga cararay dalka Tanzania kadib markii uu ogaaday in ay baadi goobayaan ciidamada Booliska oo lagu eedeyay in uu ku lug lahaa dilka saraakiisha ammaanka iyo saraakiisha dowladda ee gobolka Lamu.

Booliska ayaa rumeysan in saddexda nin ay doorteen in ay u baxsadaan dhanka Puntland, kadib markii maamulka Kenya uu kaalmo ka dalbaday mas’uuliyiinta Tanzania si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Kiiskan ayaa daboolka ka qaaday saamaynta sii kordhaysa ee kooxda argagixisada ah ee Afrika. ISIL ama Daacish ayaa hadda ku sugan dalalka Koonfur Afrika, Mozambique, DR Congo, Soomaaliya iyo sidoo kale gobolka Saaxil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM