Amar la dul-dhigay guddoonka maxkamadaha Puntland

Image
Amarkan ayaa si gaar ah wuxuu u khuseeyaa bixinta canshuuro marka la gudbinayo dacwaddo.

GAROWE, Puntland - Maxkamada sare ee Dawladda Puntland ayaa guddoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha Maxkamadaha Dawladda Puntland ku amartay in ay hubin ku sameeyaan dacwadaha loo keeno in ay Cashuuran yihiin.

Xeerarka Cashuuraha ee dacwadaha ayaa dhigaaya in mawaadinku hadii uu maxkamadaha Dacwad keeno in loo cashuuro galdacwadeedkiisa, Wasaaradda Maaliyaddana ku shubo cashuurta ku waajibtay.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ay waday daadaalo kor loogu qaadaayo hirgelinta iyo dar-dargelinta cashuuraha kala wareejinta ee ay fududeeyaan Nootaayooyinku.

Qoraalkan ku aadan Maxkamadaha ayaa waxaa soo saaray Siihayaha Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dawladda Puntland Mudane Nuur Ciise Maxamed.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa shalay oo Sabti ahayd waxay dacwad ku soo oogtay ganacsto ka dhaga adaygtay bixinta  cashuuraha iibka.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa tibaaxay in xafiiska xeer-ilaalinta ay soo gaartay meherado ganacsi oo diiday iney qaadaan cashuurta ku waajibtay.

Dacwadan ayaa, sida ku xusan bayaan kasoo baxay wasaaradda uuna arkay Garowe Online, waxaa gudbiyay guddiga kor u qaadista iyo dardar gelinta dakhliga cashuuraha Wasaaradda wallow wali aysan maxkamadda war kasoo saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM