Ammaanka qalabka keydinta xogta doorashada Puntland
GAROWE, Puntland - Warsidaha Garowe Online ayaa xalay martigeliyey madal lagu qabtey aalada Club House waxaana marti ku ahaa guddoomiyaha guddiga ku meelgaarka doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre.
Ciwaanka madasha oo qeyb ka ahayd su'aallo dadweynuhu waydiiyeen guddoomiyaha ayaa wuxuu ahaa "Hayaanka dimuqraadiyeynta Puntland iyo horumaradii ugu dambeeyay".
Barre ayaa sheegay in aysan jiri doonin qoondo u gaar noqon doonto haweenka. "Haweenka maadaama ay yihiin dadka ugu badan ee qaatay kaararka cod-bixiyeyaasha waa in ay ayaga iska caawiyaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kuraasta ugu badan. Maadaama doorashadu tahay mid furan ma jiri doonto qoondo u gaar noqon doonto," ayuu raaciyey.
Shaqaalaha dowladda iyo ciidamadda ayuu xusay aysan kamid noqon karin musharaxiinta u tartameysa doorashooyinka dowladaha hoose. "Sidoo kale, lama aqbalayo in xisbiyaddu soo gudbiyaan liis wada rag ama dumar ah," ayuu ku daray.
Guddoomiyaha ayaa raaciyey: "Aniga, qareenadda, ciidamada iyo shaqaalaha hal xayiraad baa nawada saaran; waa is-diiwaan-gelin karaan si ay u coddeeyaan, laakiin waxaa ka mamnuuc ah in ay dhexgalaan ololaha iyo ururada".
"Waa run Ufeyn (mid kamid ah saddexda degmo ee doorashooyinka dowlaha hoose ee Puntland ka dhacayaan) kama mid ahan degmooyinkii hore. Waxa aan isticmaalnay waa xeerarka qaba sidda Law No 7," ayuu ku daray.
Dadka wada dhashay ayuu tibaaxay ay ka tartami karaan doorashooyinka dowlaha hoose ee soo aadan, "balse waxa kala saaraya waa in ay ka kala socdaan ururo ama xisbiyo kala ajande ah. Hadalheynta way jireysaa maalmaha hore laakiin waa wax laga gudbayo".
Ammaanka agabka ay u adeegsanayaan diiwaan-gelinta iyo keydinta xogta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ayuu ku nuux-nuux-saday in uu sugan yahay. "Cabsi badan kama qabno in nala soo wareero," ayuu ku daray.
Ururada siyaasada ayuu caddeeyay in ay Talaadada maanta ah ku wareejinayaan qoondada ay ku leeyihiin miisaaniayda dowladda. "Maanta ayay nasoo gaartey. Banaankana qareemida ayaan uga sameynay," ayuu xusay
"Hantida dowladda in la isticmaalo ama Kaah ama urur kale ha ahaado mamnuuc weye. Illaa hadda ma jirto wax dacwad ah oo nasoo gaartey oo la xiriirta in urur gaar ah uu adeegsadey hantida dowladda," ayuu ka dhawaajiyey.
Ugu dambeyntii, siyaasiyiinta ayuu cod dheer ugu baaqay in ay xoog iyo dedaal badan geliyaan sidii uusan barnaamijkan mar kale u kufi lahayn. "Dadweynaha boqolkiiba boqol waa diyaar," ayuu Barre hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
GAROWE ONLINE