Amniga dekadda Boosaaso oo si weyn loo adkeeyay

Image
Image
Image
Image
Maraakiibtan iyo Doonyaha ku xirta marsadda ayaa inta badan shixnada ka keena Imaaraadka iyo Cummaan.

BOOSAASO, Puntland - Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Keenadiid Cali Jaamac ayaa kormeer ku tagay Dekadda Magaaladda Boosaaso. Kormeerkan Agaasimaha waxaa ku weheliyey Maamulaha Furdada Boosaaso Mudane Maxamed Yuusuf

Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dekadda Boosaaso ayaa ku hawlan Cashuurista Badeecooyinka kala duwan ee ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibtu.

Maraakiibtan iyo Doonyaha, ayaa inta badan shixnada ka keena Emaaradka iyo Cummaan waxyaalaha ay keenaan waxaa ka mid ah :

1-Raashin

2-Gaadiid

3-Bagaash iyo badeeco kale

Dekadda Boosaaso, oo dhawaan lagu sameeyay Qodniin dhanka Xafaarada ah ayaa suurta gelisay in ay ku soo xirtaan Doonyaha tankoodu yahay 1,500 ilaa 2,000 oo Tan, sida uu Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda u sheegay Maamulaha Furdada Boosaaso Mudane Maxamed Yuusuf

Dekadu waa mid mashquul ah ayna ka socdaan dejinta badeecadaha kala.duwan iyo dhoofka Xoolaha oo ay ka mid yihiin Geela, Lo'da iyo Ariga.

Dekada Boosaaso marka lays barbar dhigo Dekadaha kale ee dalka dhanka Cashuurta waa mid aad u hoosaysa 30% shixnadaha ganacsi ee ee ka soo dega Dekadda waa kuwo ay la soo degaan ganacsatada Soomaaliyeed ee gobollada ka baxsan Dowladda Puntland.

Hannaanka shaqo ee cashuurista Badeecadaha waa mid ay siwayn ugu qanceen ganacsatadu waxana ay wada shaqayn la leeyihiin Maamulka Furdada. Dowladda Puntland waxa ay sii xoojisay Amniga Dekada si loo ilaaliyo Hantida ganacsatada Soomaaliyeed ee adeegsada Dekadda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM