Talaabooyin muhiim ah oo loo qaadey dimuqraadiyada Puntland
GAROWE, Puntland - Kalfadhiga Barlamanka Puntland ee furmey Jun 15, 2021 ayaa ajandayaasha la horkeneey waxaa ku jira qodob muhiim u ah in Puntland nidaamka qabaliga ah uga gudubto mid shacabka toos u soo doortaan wakiilada golayaasha degaanka iyo aqalka Wakiilada.
Qodobkaan xikdhibaanada aqalka wakilada Puntland ka doodayaan ayaa ah in la yareeyo tirada golayaasha degaanka degmooyinka Puntland kuwaas iminka qaarkood xubnahoodu kor u dhaafeyaan Sodomeeyo.
Puntland ayaa mudadii uu maamulkeedu jirey waxaa aad loo siyaasadeeyey tirada degmooyinka iyo tirada goloyaasha degaanka oo la kordhiyey si loo qanciyo qabaa'ilada. Talaabadaan ayaa keentey in degmooyinka qaarkood dhaqaale ahaan is bixin waayeen halka tirada golayaasha oo badan ay dhinaca kale sababtey is-qabqabsi iyo shaqooyinka dowladaha hoose ee curyaama.
Dhinaca kale hirgalinta nidaamka dimoqraadiyada Puntland ayaa waxa caqabad ku ah tirada Xad-dhaafka ah ee golayaasha degaanka taasoo aan suurtagalineyn in ururada siyaasada maalgaliyaan tiro badan oo musharxiin ah ee u tartameysa golayaasha degaanka.
Somaliland ayaa inta shacbkeedu u dareerin doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo aqalka wakiilada ee dhacaey May 31, 2021 waxay hirgalasey siyaasad ah iney dhinto tirada golayaasha degaanka iyadoo Sadex darajo ka dhigtey. Magaalo madaxda Hargeysa oo golaheedu degaanka ugu badan yahay ayaa waxaa loo tartamey 17 xubnood halka degmooyinka ugu yar tirada golaha degaankoodu laga dhigey 9 xubnood.
Puntland ayaa magaalooyinkeeda ugu waaweyn sida Bosaso, Galkacayo iyo Garowe waxaa golayashooda degaanka marka la isku daro waxay noqonayaan 99 xubnood ( 33x3) taas oo adkeysay in dowladaha hoose degmooyinkaas u shaqeeyaan sida la doonayo.
Xildhibanaada Puntland ayaa waxaa horyaala qodob masiiri ah kalfadhigaan kaas oo albaabka u furaya in degmooyinka Puntland noqdaan kuwa is-bixiya islamarkanaa suurtagliya in mustaqbalka loo gudbo nidaamka dimuqraadiyada oo muhiim u ah in laga gudbo marxaladaha adag ee ku gudban in la gaaro hurumar dhab ah iyo Isla-xisaabtan.
Golaha fulinta oo mas'uuliyad ka saaran tahay hirgalinta barnaamijka dimuqaraadiyada iyo habsami u socodka shaqooyinka degmooyinka ayaa laga sugayaa iney aqalka wakiilada ku taageeraan soo jeedintaan.
GAROWE ONLINE