Baaq laga soo saarey dastuurka iyo doorashada hogaanka Puntland

Image
Sharci-dejiyeyaashan ayaa ku baaqay la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qeyb-qaato xorreyntiisa si wadda jirra Bulshadda oo isku duuban.

GAROWE, Puntland - Tobban mudane oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid furista dastuurka Puntland ee ay maagan tahay xukuumadda Deni.

Sharci-dejiyeyaashan oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saarey ayaa sidoo kale waxay ku baaqeen la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qeyb-qaato xorreyntiisa si wadda jirra Bulshadda oo isku duuban.

"Maadama wakhtigii xukuumadda Puntland ee hadda jirta uu gabagabo yahay, aysana suurta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xiligeedi lagu qabto, doorashadda Puntkand la qabto 8-da January 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xulli jiray xubnaha Baarlamaanka," ayay ku dareen hadalkooda.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Xildhibaanada Labada Aqal oo Federaalka ku Matala Puntland oo Garowe u joogay xal u helista Khilaafka Siyaasadeed ayaa qodobo soo saaray.

Xildhibaano ka kala socda labadda golle ee Baarlamaanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ku sugnaa mudo ku dhaw bil Garoowe, ayaa la kulmay Madaxweynaha, Madaxwayne kuxigeenka, Guddoonka baarlamaanka, Isimada ku sugan Garoowe, Bulshadda rayidka ah ee PUNSA, qaar ka mid ah Ururo siyaasadeedyadda Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadda Mudanayaasha ayaa daarnaa xal u hellidda khilaafka siyaasaddeed ee ka taagan caasimadda Puntland (Garoowe), iyo guud ahaan Puntland.

Sidoo kale waxa ay qayb ka mid ah Sanataraddu ay kala qayb galeen bulshadda Puntland dood wadaag furan oo doorashadda Puntland ku saabsanayd oo ka dhacday PDRC.

Xildhibaanada labadda Golle ayaa sidoo kale bulshada ku nool magaalada Laascaanood kala qayb galay munaasabadii 1-da Luulyo oo muddo 16 sano ka baddan aan Laascaanood lagu xusin, calan Soomaaliyeedna laga taaginin.

Dhamaan kulamaddas waxa ay mudanayaashu kagala hadlayeen cidkasta oo ay la kulmaan, khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka taagnaa ee gacan ka hadalka gaaray, in amniga Puntland la xoojiyo, muranka doorashaddana wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo, in sumcadda caasimadda Puntland si wada jira loo ilaasho, ayadda oo muddanayashu ay daddaal dheer u galeen in aan muranka doorashadda ee taggan uusan dhiig ku daadan, aysanna taas ku guulaysanin.

Haddaba mudanayaasha oo gudanayey waajibkoodda Dastuuriga ah ee ka saaran Puntland oo ah deegannka ay ku matalaan Soomaaliya waxa ay usoo jeedinayaan, Xukuumadda, Baarlamanka, Madaxdii horre ee Puntland, Issimadda, waxgaradka, culumadda, Bulshadda Rayidka ah, iyo siyaasiinta reer Puntland, qodobadaan hoos ku qoran:

1. in la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qeyb-qaato xorreyntiisa si wadda jirra Bulshadda oo isku duuban.

2. in si wada jira aan uwadda ilaashano amniga Puntland guud ahaan, gaar ahaana kan caasimadda oo ah muraayaddi Puntland.

3. In gabi ahaanba la joojiyo wax ka badalka Dastuurka Puntland, oo sababay in dhiig reer Puntland isku daato, lagana waantoobo in Baarlamaanka Puntland ku dhaqaaqaan waxkasta oo dhibka sii kordhin kara, oo ay ugu horayso in wax laga baddalo Dastuurka qoddobaddisa.

4. Maadama wakhtigii xukuumadda Puntland ee hadda jirta uu gabagabo yahay, aysana suurta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xiligeedi lagu qabto, doorashadda Puntkand la qabto 8-da January 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xulli jiray xubnaha Baarlamaanka.

5. in sadexda dagmo ee Gobolka Nugaal ee golayaasha Deegaanka ee diiwaan galintoodu dhacday ka harsan, la qabto doorashadooda oo golayaashoodda deegaanka la soo doorto.

Wabilaahi Tawfiiq.

Magacyadda Mudanayasha

  1. San. Cabdulaahi cali xirsi Timacadde
    2. San. Cabdiqani Geele Maxamed
    3. San. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
    4. San. Sareedo Maxamed Jayte
    5. San. Saynab Ismacil maxamed ( Tiimbiye)
    6. San. Maxamed Cabdi Cismaan (Maajino).
    7. Xil. Sahra Cabdullahi Bundunte
    8. Xil. Cabdullahi Bidhaan Warsame
    9. Xil. Cali Yuusuf Calixoosh
    10. Xil Cismaan Cali Yusuf

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM