Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyey xisaab-xirka 2020

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROEWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 44 Mudane.

Fadhiga maanta waxaa mooshin ku saabsan in wax-ka-bedelka lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakillada soo jeediyey Guddiga Shuruucda & Caddaaladda.

Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay ku taageereen cod aqbaliyad ah oo (41) Mudane ku oggolaadeen, halka hal (1) Mudane diidey, ayna ka aamuseen Labo (2) Mudane.

Dhinaca kale, isla fadhiga 8-aad ee maanta waxaa Goluhu cod aqlabiyad ah ku oggolaadeen ansixinta iibka Dhulka Laanta Bangiga Degmada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, si waafaqsan 52-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u soo gudbiyey Golaha Wakiillada codsi ku saabsan Ansixinta IIbka Dhulka Laanta Bangiga ee Degmada Gaalkacayo, Kadibna codeyntaasi u dhacday sidan: Oggol (41) Mudane, diidmo (0) aamus (2).

Ugu dambeyntii, fadhiga maanta waxaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisay Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2020, si waafaqsan qodobka 137-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Xisaab xirkaas ayaa lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, si ay warbixintooda la xiriirta arrimaha xisaab-xirka 2020 ugu u soo gudbiyaan golaha Maalinta Sabtida 3 bisha Luulyo, 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM