Baarlamaanka Puntland oo u coddeeyay in uu fasax galo

Image
Image
Image
Mudadii Kalfadhigu socday waxaa Golaha u qabsoomay shaqooyin badan.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 39 mudane ayaa Xildhibaannada Dood ka yeesheen xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha Doorashooyinka heer Federal, iyadda oo uu ekaa maanta 45 cishe oo uu furnaa Kalfadhiga 49-aad.

Intaa kadib 6 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyey in Golaha fasax galo maadama duruufo badan dalka ka jiraan, wakhtigii Kalfadhigana uu maanta ku eg yahay, waxaana cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyay 38, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 1 mudane.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu Golaha uga mahadceliyey sidii xilkasnimada lahayd oo ay u guteen shaqooyinkii Dastuuriga ahaa mudadii uu socday kalfadhiga 49-aad, wuxuuna Guddoomiyey in kalfadhiga 49-aad uu xiran yahay Goluhuna uu fasax geli doono ayna isu soo noqon doonaan June 15, 2022.

Mudadii Kalfadhigu socday waxaa Golaha u qabsoomay shaqooyin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM