Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash

Image
Kulanka Guddiga joogtada ah oo maanta ka qabsoomay Garowe ayaa lagu go'aamiyey in lasoo gole-joojiyo madaxweynaha.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa guddoomiyey shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo maanta ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta, ayey Mudanayaashu uga doodeen arrimo ay kamid yihiin xaaladda magaalada Laascaanood iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha Golleyaasha deegaanka Puntland ee hal qof hal cod.

Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen:

1. In loo yeero Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada iyo Gudiyada kale ee Taakulaynta dadka ku waxyeeloobay xasuuqa maamulka Somaliland uu ka wado Laascaanood.

2. In loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka DPL, si wax looga weydiiyo qorshaha xukuumadda ee ku aaddan xaaladda Gobolka Sool.

3. In loo yeero Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashada Puntland, si wax looga weydiiyo Barnaamijka diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Ugu dambeytii, guddiga joogtada ahi waxay isla qaateen in ay yeeshaan fadhiyo aan caadi ahayn inta laga dhammaystirayo qodobada kor ku xusan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM