Barakacyaal loo waday diiwaan-gelin doorasho oo la qabtey

Image
Dadka oo ka badan boqol qof ayaa waxaa waday labo gaari oo nooca xamuulka qaada ah.

GAROWE, Puntland - Booliska gobolka Nugaal ayaa degmada Dan-gorayo ku qabtay labo waaraad oo siday dad bara-kacayaal ah oo laga soo daabulay magaalada Garowe, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay.

Dadka oo ka badan boqol qof ayaa waxaa waday labo gaari oo nooca xamuulka qaada ah kuwaasi oo sida la sheegay u waday degaanka Beyla ee gobalka Kar-kaar halkaasi oo la rabay in looga diiwaan geliyo cod-bixiyayaal.

Warar madax banaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in marka baabuurtaan la qabtay uu ku sugnaa Sin-u jiif oo ka tirsan gobolka Nugaal Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) kaasi oo wararku sheegayaan in uu dadkaan isagu soo aruuriyay.

Jubba oo muddo dheer ka tirsanaa wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa lagu eedeeyay in uu adeegsaday dadkaan kaararka kaalmada gar-gaarka ee cuntada iyo lacagta cadaanka ah ay kaga helaan deeq-bixiyayaasha.

Diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland oo xukuumadu dhawaan ka bilawday Boosaaso ayaa lasoo sheegayaa in aanay dad-waynuhu usoo bixin iyada oo dhawaan uu ka dhacay Boosaaso dibad-bax looga soo horjeedo.

Talaabada lagu daad-gureeyay barakacyaasha ayaa xogo GO heleyno waxat sheegayan iney ka dambeeyaan ama ay kaalin weyn ku leeyihiin ururka SINCAD iyo KAAH.

Labadaan urur ayaa si toos ah ugu jira barnaamijkaan iyadoo ururada kale ee kula socda Madaxtooyada is-diwaangalinta doorashooyinka golaha degaanka ee lagu muransan yahay aysan laheyn awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed, sida laga soo xigtey dad xogogaal ah.

Is-diiwaan-gelinta lagu muransan yahay ayaa Guddiga KMG ah ee doorashada kala kulmay wajigabax kadib markii aysan soo bixin dadkii loo baahnaa.

Barakacyaasha ayaa horey loogu hanjabay in ay waayi doonan kaararka ay lacagaha uga qaataan hay'adaha samafalka haddii aysan u hogaansamin amarada uga imaanaya xukuumada Puntland ee ah iney ka qayb qaataan is-diwaangalinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM