Beesha Caalamka oo faragelisay muranka doorashada Puntland
MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo walaac ka muujisey isku-dhaca hubeysan ee ka dhashay geedi-socodka lagu muransan yahay ee dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ku baaqday in saamileyda ay wadahadal ku xaliyaan kala aragti-duwanaanta taagan.
"Rabshaddo xal maaha," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saaxiibada caalamka. Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli Madasha Siyaasadda Puntland ay soo jeedisay hakinta doorashada khilaafka hareeyay iyo wadaxaajood dhab ah.
Madasha Siyaasadda Puntland oo shir ku yeelatay magaalada Garowe labadii maalmood lasoo dhaafay ayaa soo saartey baaq ku wajahan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedkan.
Baaqan ayaa waxa uu isugu jiraa fariimo ku wajahan madaxweynaha waqtigu ka dhacayo Saciid Cabdullaahi Deni, guddoonka Golaha Wakiiladda, dadweynaha, Isimada, hay'adaha ammaanka iyo Beesha Caalamka.
HOOS KA AHRISO BAAQA SIDEEDA QODOB AH
1: Inta laga helayo doorashooyin loo dhan yahay kuna dhisan dastuurka, xeerarka kale ee Puntland iyo habraacyada doorashooyinka, shirku wuxuu ugu baaqayaa sukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka an heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro amni iyo qalalaase siyaasadeed o Puntland ka dhalata.Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay soo fariisato miiska wadahadalada si looga wada xaajaysto xaaladda kala-guurka ee Puntland iyo sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay.
2: In la joojiyo furidda iyo wax ka bedelka dastuurka dowladda Puntland maadaama hay'adaha fulinta iyo sharci dejinta xilhayntoodu gabaabsi tahay isla markaasna aanay ka turjumayn baahiyaha shacabka Puntland. Horey waxay zukuumaddu u diday waxka bedelka dastuurka iyadoo ka eegaysay danaheeda gaarka ah
3: In doorshada Golaha Wakiilada yo Madaxweynahu ay ku dhacaan waqtigoodi dastuuriga ahaa ee loo asteeyey. Shirku wuxuu garwaaqsan yahay isku day kasta oo muddo kororsi ah in uu keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni oo aan la mahadin doonin.
4: In shacabka Puntland ay ilaashadaan amniga iyo xasiloonida dhulka Puntland oo tacab iyo dhaqaale badan ka galay. Shirku wuxuu ugu yeerayaa hay'adaha amiga ee Puntland in ay gutaan waajibkooda dastuuriga ah ayna dhowraan nabadgelyada, sharafka yo hantida shacabka Puntland.
5: In Hay'adaha amnigu ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo in loo adeegsado dano gurracan, waxaan si gar ah uga digaynaa Cidanka Booliiska Puntland iyo Ciidanka badda Puntland (PMPF) in aan loo adeegsan in lagu khal-khal geliyo amiga Puntland.
6: In Golaha Wakiillada Puntland ee waqtigiisu gabaabsiga yahay aanay Puntland u horseedin xasilooni darro siyaasadeed iyaga oo eeganaya dano gaar ah. Sidoo kale, waxaan si gar ah ugu baaqaynaa guddoonka Golaha Wakiilladu in aanu baarlamaanka ku dirqin dano gurracan o madaxtooyada looga soo dhiibay.
7: In isimada yo odayaasha dhaqanka ee Puntland ay qaataan kaalintoodii shariifka ahayd ee ay ku lahaayeen midnimada iyo xasiloonida Puntland isla markaasna ay si dhow ula socdaan khatarta ku soo fool leh Puntlad.
8: In beesha caalamku aanay dhaqaale ku bixin doorasho aan loo dhammayn ee xukuumaddu waddo taasoo horseedi karta qalalaase siyaasadeed yo mid amni oo Puntland ka dhaca.
Baaqan siyaasiyiinta oo ay ku jiraan murashaxiin ayaa kusoo hagaagay iyadda oo 25-ka bishan May 2023-ka ay xukuumadda Deni qorsheyneyso in ay qabato doorasho gole degaan oo lagu muransan yahay taasoo ku dhow in ay si rasmi ah isugu rogto gacan ka hadal.
GAROWE ONLINE