BOSASO: Maxay tahay talaabada ku xigta kadib go’aankii Issimada?

Image

BOSASO: Kadib markii Lix Issim go'aan ka soo saareen kulan ay ka lahaayeen xiisadda ka dhalatey xil ka qaadistii lagu sameeyey Agaasimihii hay'adda PSF ayaa waxaa soo baxaya warar kale duwan ee ku saabsan go'aanka Dowladda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey iney jiraan la tashiyo xubanaha dowlada Puntland ee ku sugan magalaada Bosaso la leeyihiin Madaxtooyada Puntland.

Garowe Online oo la hadlay saraakiil ka tirsan Dowladda kuwaas oo xogogaaal ah ayaa waxay sheegeen in kulan degdeg ah xubnaha Dowladda ka jooga Bosaso isugu imaan doonaan maalinta berri ah. 

Issimida go'aankaan ka soo saarey xaalka PSF ayaa kala ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Maxamad Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Go'aanka ay issimadaan ka soo saareen murankaan ayaa muhiimadiisu waxay aheyd in xilka uu wareejiyo Agaasimihii hore ee PSF balse dhamaan hantida kale oo isugu jirta Hub iyo degaan Guryo uu leeyahay madaxii hore ee hay'adda Maxamuud Cismaan Diyaano.  

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM