BOSASO: Maxay tahay talaabada ku xigta kadib go’aankii Issimada?

Image

BOSASO: Kadib markii Lix Issim go'aan ka soo saareen kulan ay ka lahaayeen xiisadda ka dhalatey xil ka qaadistii lagu sameeyey Agaasimihii hay'adda PSF ayaa waxaa soo baxaya warar kale duwan ee ku saabsan go'aanka Dowladda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey iney jiraan la tashiyo xubanaha dowlada Puntland ee ku sugan magalaada Bosaso la leeyihiin Madaxtooyada Puntland.

Garowe Online oo la hadlay saraakiil ka tirsan Dowladda kuwaas oo xogogaaal ah ayaa waxay sheegeen in kulan degdeg ah xubnaha Dowladda ka jooga Bosaso isugu imaan doonaan maalinta berri ah. 

Issimida go'aankaan ka soo saarey xaalka PSF ayaa kala ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Maxamad Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Go'aanka ay issimadaan ka soo saareen murankaan ayaa muhiimadiisu waxay aheyd in xilka uu wareejiyo Agaasimihii hore ee PSF balse dhamaan hantida kale oo isugu jirta Hub iyo degaan Guryo uu leeyahay madaxii hore ee hay'adda Maxamuud Cismaan Diyaano.  

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM