Cawil: Geediga la wado waxaan ka baqaa inuu noqdo mid kharaar
GAROWE, Puntland - Wasiirkii hore ee cadaalada iyo arimaha diinta Puntland, Cawil Shiikh Xaamud oo waraysi gaar ah siiyay Garowe Online, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo amaan ee Puntland .
Cawil ayaa yiri: "Geediga hadda la wado waxaan ka baqayaa in uu noqdo mid ooman soore ah iyo geedi kharaar isla markaana umadda dhexdeeda dagaal iyo shiddo u horseeda".
Waxaa uu talo usoo jeediyay wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdinuur Faarax (Juxa) isaga oo ugu yeeray in uu kamid noqdo ururada siyaasadda ee Puntland ka jira.
"Wasiirka hadda hawshaan wada ee Juxa , waxaan ugu baaqayaa in uu isagu urur ku biiro marka hore hadii ay ka dhab tahay, ilaa hadda in uu diidan yahay ayaa nasoo gaaraysa," ayuu raaciyey.
Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Cadaalada ayaa ka jawaabay su'aal la xiriirta cabashadda xiliyada qaar ee dugsiyada qur'aanka waxaa uu afka ku balaariyay in ay wax ka jiraan.
"Tacadiyada dugsiyada qur'aanka way jiraan, walaw dadka qaybtood ay aaminsan yihiin in arintaas ay gaalo ka danbayso, misana waa jiraan, sidoo kale ardayda ayaa isku dhiban oo ciriir isku ah," ayuu tibaaxay.
Xukuumadda Deni ayuu ka dhawaajiyay in aan wax talo ah laga waydiin dagaaladii Bosaso ka dhacay 2021, isaga oo sheegay in markii la galayay iyo magacaabistii danbe aanu isagu shakhsiyan wax ka ogayn.
Dadka falanqeeya arimaha Puntland ayaa marar kala duwan madaxweyne Deni ku tilmaamay in uu kaligii maroorsaday taladii, isla markaana aysan golayaasha kale ee dowladu waxbadan kala socon go'aamada masiiriga ah.
GAROWE ONLINE