Ciidamada PSF ee Puntland oo ku biiraya dagaalka Galmudug

Image
Fahfaahinta ayaa muujinaysa in si gaar ah ay uga qeyb qaadan doonaan duulaanka magaalada Xarardheere.

GAROWE, Puntland - Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan ciidanka sida gaarka u tababaran ee Puntland ee PSF loo yaqaano lagu wado in ay markii ugu horeysey qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug.

Fahfaahinta ayaa muujinaysa in si gaar ah ay uga qeyb qaadan doonaan duulaanka magaalada Xarardheere ee xeebta ah oo ka mid ah meelaha saldhigyada ugu waaweyn ay Al-Shabaab ku leeyihiin.

Ka qeybgalka PSF ee dagaalkan ayaa la wariyay in ay tahay arrin ay isla ogolyihiin Puntland, Galmudug iyo dowladda Federaalka, iyada oo ay kaalin ku leedahay dowladda Maraykanka oo maalgalisa ciidamadan sida gaarka ah u tabobaran.

Waxaa jirtay mar Puntland iyo Galmudug isku qabteen cidda yeelanaysa amarka iyo dagaalgalinta ciidamada PSF maadaama ay ka hawlgalayaan deegaanada Galmudug, balse arrintaasi hadda waa la xaliyay, waxaana hawlgalintooda leh Puntland.

Kaalinta PSF ee dagaaladan ayaa la aaminsan yahay in ay culeyska kusii kordhiseysa xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida oo dowladda federaalka warisay "in ay ku jirto xaalad baxsad ah".

Waxay noqonaysaa markii ugu horeysey oo ciidamo Puntland ah ka qeybqaataan dagaalo ka dhacaya meel ka baxsan maamulka, waxayna tani qeyb ka tahay istaraatiijiyadda amniga Puntland ee ah in shabaabka kusoo jaba Galmudug aysan soo galin buuraha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM