Dagaalka magaalada Laascaanood oo saameeyay isbitaalada

Image
Image
Image
Sawirro uu helay Garowe Online ayaa muujiyey waxyeelo soo gaarey xarunta caafimaad ugu weyn xarunta gobolka Sool.

GAROWE, Puntland - Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.

Xarumaha caafimaadka ayaa si wayn ay u saameeyeen dagaaladu iyada oo la geeyay dhaawacyo ka badan ku talo-galkooda arintaasi oo keentay in dhaawacyada fudud laga saaro isbitaalada lana geeyo deegaanada u dhaw xarunta gobolka Sool.

Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood, Dr Axmed Maxamed Xasan, ayaa Garowe Online u xaqiijiyay in madfac uu ku dhacay qaybo isbitaalka kamid ah.

Sawirro ay heshay GO ayaa muujinaya in qaybta Oxygen-ka ee isbitaalka guud ee magaalada ay waxyeelaysay firirka madfaca taasi oo keentay in ay hawl-gab noqdaan mishiinada Oxygenka.

Oxygenka ayaa muhiim u ah bukaanada xaaladu ay adag tahay taasi oo keentay in bukaano badan loola soo cararo Garowe. Sidoo kale, qaar kale oo kamid ah dhaawacyadda ayaa loo qaadey Muqdisho.

Ku dhawaad ​​70 qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalka magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamadda Somaliland iyo dadka degaanka afartii casho ugu dambeysay.

Ugu yaraan 69 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa lagu dilay magaalada saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, sida uu khadka taleefoonka ugu sheegay Garowe Online mid ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM