Dani oo laga baacsadey duminta guryo ku dhow dekada Boosaaso
BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland oo maalmo ka hor amrey in la dumiyo xaafado ku hareereysan dekada Boosaaso ayaa wararku sheegayaan inuu amrey in ciidamadiisa isaga baxaan kadib markii iska caabin uu kala kulmay dadkii daganaa gobahaas oo is hubeeyey.
Iska-hor-imad dhowaan halkaas ku dhexmarey ciidamada Booliiska iyo dad shacabka ah oo daganaa halkaas ayaa sababey inuu ku dhaawacmo taliyihii qaybta booliiska Boosaso iyo dad kale oo rayid ah.
Shirkada DP oo sheegtey iney dhiseyso dekada Boosaso ayaa dalbatey in la baneeyo degaamada ku hareereysan dekada halkaas oo ay muddo 30 sano ku dhow daganayeen dad shacabka ah.
Madaxweyne Dani oo dabada ka riixaya mashruucaan ayaa dadka xogogaalka u ah arimahaan waxay sheegayan inuu amrey in ciidamada amniga dumiyaan guryahaan iyadoo wax ogeysiin ah aan la siin dadkaan.
"Waxaa jirey qodob ku jirey heshiiskii hore ee lala galay shirkada DP world oo sheegayey in magdhow la siiyo dadka dagan hareeraha dekada, halka kuwa ku leh ganacsiga loo wareejiyo Goobo kale," sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof ka warhaya heshisika shirkadaan.
Dadka degaanka dagan oo tageero ka heley maleeshiyo beleedyo hubeysan ayaa sida wararka u sheegayan GO waxay 24 saac ee la soo dhaafey ku soo gurmayeen goobaha la sheegey in la dumanayo.
Dani oo horey dagaal dad badan ku dhinteen kula galay magaalada Boosaaso ciidamadda PSF ayaa wararku sheegayaan inuu amrey in ciidamadda amniga dib uga soo baxaan gobahaas kadib markii ay la soo gudboonaatey cabsi ah in dagaal kale ka qarxo xarunta ganacsiga Puntland.
Madaxweyne Dani iyo xubno ka tirsan qoyskiisa oo mashruucaan hirgalintiisa ka leh dano dhaqaale ayaa aad u doonaya in mashruucaan bilowda ka hor inta muddo xileedkiisu dhamaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu raba inuu ka dhigto waxtar iyo olole siyaasadeed dib u bilaabista mashruucaan isagoo barnaamijka diiwaan galinta hubeysan damacsan inuu u muddo kororsi aan sharci aheyn.
GAROWE ONLINE