Dani oo suuqa kalluunka Boosaaso ku wareejiyey nin ay qaraabo yihiin

Image
Kalluumeysatadda magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta banaanbax ka dhigay xarunta ganacsiga Puntland.

BOOSAASO, Puntland - Kalluumeysatadda magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa Isniinta maanta ah isugu soo baxay mudaharaad. Sawirro iyo muuqaalo laga duubay ayaa muujiyey iyaga oo wata kalluunkooda.

Muruq-maalatadan ayaa shaaca ka dhigay in ay ka cabanayaan suuqii kalluunka laga xirtey, iyaga oo dowladda Puntland ku eedeeyey in ay damacsan tahay in ay ka rarto kuna wareejiso ganacsade gaar ah.

"Kawaankan kalluunka waxa la dhisey xilligii dowladdii madaxwayne Cabdiwali Maxamed Gaas, waxaase muddooyinkan isa soo tarayey in ganacsade gaar ah lagu wareejinayo," ayay sheegeen illo wareedyo war gal ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kawaankan lagu wareejiyay ganacsade Cabdi Cali Geyre oo ay qaraabo dhow yihiin madaxweyne Deni, waxaana dhawaan lagu bilaabi doonaa dumin si halkaas looga fuliyo ganacsi gaar ah.

"Ganacsade Cabdi Cali Geyre ayaa ganacsatadii kaluunka u dhisay balbalo 7 mitir ah oo laga dhisay dhul u dhow wasaaradda maaliyadda waana halka ay ka baxaan biyaha kasoo dhaca laamiga weyn ee Boosaso xili roobaadka taaso ay durba ka biya diideen ganacsatada kaluunka goobtaas oo aan ku haboonayn suuq kaluu," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Iskaashatada kalluunka Boosaaso ayaa tibaaxay in aysan marnaba ka guureen dhulkaas iyagoo ku doodey in maamulka degmada Boosaso ay qayb ka yihiin qorshahaan lagu boobayo dhulka dowladda.

Gudoomiyaha gobolka Bari iyo duqa Boosaso oo fulinaya amar kasoo baxay madaxtooyadda ayaa cadaadis ku haya ganacsatada kuna qasbaya in ay balbalada laga dhisay xeebta u guuraan taas oo haatan gabi ahaanba ay diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM