Danwadaagta Siyaasadda ma dhaqankii Puntland bay duminayaan?
FAALO - Ma laga yaabaa bad-qabkii iyo jiritaankii salka adag haystay ee dhaqanka Puntland in uu ku jiro halis tii ugu weynayd, qarkana u saaranyahay in uu burburo?. Waa mid ka mid ah su’aalaha welwelka leh ee ay is weeydiinayaan dadka siyaasadda u dhuun duleela, una toog haya arrimaha dhaqan-dhaqaale ee Geeska Afrika.
Puntland waxa ay ka mid ahayd meelaha odayaasha iyo xeerbeegtida dhaqanka uu ka badqabay burburka bulsho ee ku dhacay Soomaaliya, iyada oo isimada Puntland si weyn loogu ammaanay in ay noqdeen bud-dhigayaashii iyo xeer-beegtidii dhidibada u asaasay dowlad goboleed casri ah oo bixisa adeegyo asaasi ah, si dimoqoraadi ahna xilka la isugu wareejiyo.
Hase yeeshee waxa ay hadda u muuqataa in waayihii dhaqanku ahaa geedka magoolka ah ee la wada hadhsanayay ay gebogebo ku dhowyihiin, iyada oo sababta ugu weyna ay tahay dan-wadaagta siyaasadeed ee doonaya in ay waddo toobiyo ah u maraan xukunka iyo saamaynta siyaasadda.
Inkasta oo ay sanadihii lasoo dhaafay jireen ifafaalooyin lafahmi karo halista dhaqanka kusoo food leh, haddane sanadkan ayay dhaceen caqabadihii ugu waaweynaa , iyada oo gebi ahaanba odayaashii dhaqanka taladii ay ku lahaayeen xulista kuraastii baarlamaanka gabi ahaan hoos u dhacdey.
Kala Shakiga Beelaha
Natiijada ugu weyn ee ka dhalatay xulista marin haboowsan ee kuraasta iyo ergada dooratayba, ayaa ah in beelihii wax qeybsiga kaltanka ku ahaa ay kala shakiyaan, kala cuqdadoobaan, islamarkaasna ay gaareen heer ay samaystaan duubab dhaqan oo aan ahayn kuwii horey la’isugu waafaqsanaa.
Waxaa tusaale u ah dhacdo dhowaan Garoowe ka dhacday oo beel ka mid ah beelaha muhiimka ah ay caleemo saarteen isin laga barbar qotomiyay mid horey u jirey.
Isku milanka dhaqanka iyo siyaasadda
Dagaalkii Boosaaso oo dad badan ay ku maloweynyihiin in uu ka dhashay kuraastii 16-kii ahaa ee halkaasi doorashadooda loo asteeyay, ayaa waxa uu dusha usoo saaray arrin markii hore hoosta uun ka jirtay oo ah isku milanka dhaqanka iyo siyaasadda.
Waxaa muuqatay in odayaasha dhaqanka ay si weyn ugu kala qeybsameen qaddiyaddii Boosaaso ka taagnayd, iyada oo dhinacyadii is hayay ay si taban u adeegsadeen odayaasha dhaqanka oo markii ahaan jirey tiirar waaweyn oo loo cuskado xagga dhexdhexaadnimada iyo waanwaanta nabadeed.
Halista ugu weyn ee ay leedahay isku milanka ayaa ah in odayaashii dhaqanka ay noqdaan siyaasiyiin, siyaasiyiintiina ay noqdaan odayaal dhaqan, halkaasina uu kaga boxo doorkii dhaqanka ee lagu soo caano maalay.
Kaalintii dhaqanka ee bulshada
Dhaqanka waxa ay aad muhiim ugu ahaayeen daminta colaadaha, u kala garsoorista shaqsiyaadka bulshada ama beelaha is haysta iyo waliba ka talinta arrimaha muhiimka ah sida xididtinimada, magta, maganta , iyo illaalinta deegaanka.
Waxaa dhici jirtay marka uu isinka ka hadlo xaalad taagan, sida dagaalo oo kale, markiiba hadalkiisa loo dheg raaricin jiray, balse hadda waxaa dhacday in dagaalo ka jira gobolka Nugaal ay isimadii xalin la’yihiin.
Tani ayaa loo sababayn karaa in uu dhammaanayo ixtiraamkii loo hayay odayaasha dhaqanka, taasna ay ugu wacantahay arrimo badan oo is huwan oon qaarkood kor kusoo sheegnay.
Waxaase xusid mudan in cilladaha jira aysan lug ku lahayn isimada iyo odayaasha dhaqanka intooda badan, oo ay yihiin waxyaabo dhacay oo awooddooda ka baxsan.
Waxay dad badan soo jeediyaan in Issimadu dib ugu noqdaan kaalintoodii dhexdhexaadnimo si ay u kasbadaan kalsoonida shacabka hoos yimaada beelahooda.
GAROWE ONlINE