Dadaalada lagu joojinayo xabadda Boosaaso oo bilowdey

Image
Siyaasiyiin ay ku jiraan madaxwayneyaashii hore ee Puntland ayaa hormuud u ah dedaaladan.

BOOSAASO, Puntland - Dedaalo lagu joojinayo dagaalka Boosaaso ayaa bilowdey, sida warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqaas.

Waanwaanta waxaa hogaamiya siyaasiyiin xilal sare kasoo qabtey kuna jiraan madaxwayneyaashii hore iyo hay'adda PDRC. Dhinacyada waxay isku dayayaan in ay dhinacyada diriraya ku qanciyaan joojinta.

"Darafyadan waxay si iskood ah isugu xil-qaameen in ay ka shaqeeyaan nabad kusoo dabaalida magaaladda si looga baaqdsado in dagaalka uu noqdo mid maalmo badan qaata," ayay sheegeen illo wareedyada.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in dhinacyaddan ay qorsheynayaan in ay la fariistaan hogaanka dowladda Puntland iyo dhinaca agaasinka xil-ka-qaadista diidey ee hay'adda PSF.

Dhanka kale, warar ayaa tilmaamaya in hogaanka dowladda Puntland uu xalay yeeshay kulan deg-deg ah oo ay ku qiimeeyeen xaalada xarunta gobolka Bari. Wali lama soo bandhigin max-suulka kulankaas.

"Bar-madow oo taariikhi ah"

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdifaarax Saciid Juxa oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Mareegga Facebook-ga ayaa dagaalka wuxuu ku sifeeyay "bar madow oo taariikhi ah"

Xabadda Bosaso ka dhacday maanta waa bar madow oo taariikhi ah. Waa ceeb, abaal-dhac iyo gef weyn oo loo geystay Bosaso-deeqa. Waa xabbad hoos u dhigaysa magacii, miisaankii iyo sharaftii reer Puntland," ayuu yiri.

Juxa oo taageeray dedaaladda joojinta dagaalka ayaa xusuusiyey qeybaha kala duwan ee bulshadda Puntland in ay u istaagaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa xarunta ganacsiga maamulkan.

"Xilliga adag ayaa hogaamiyaha dhabta ahi soo baxaa ee waxaan sugaynaa in hogaamiyeyaal dhab ah oo lagu seexdaa soo baxaan. Jiilka cusub ayey tani imtixaan ku tahay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dagaalka Boosaaso wuxuu galay maalintii labaad. Ugu yaraan todoba qof ayaa illaa haatan la xaqiijiyey geeridooda. Barakac ayaa lasoo wariyey qaybo kamid ah magaaladda waxaana hakad galay ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM