Dedaalada xalinta xiisada isbedelka PSF oo meel fiican maraya
BOOSAASO, Puntland - Waxaa kulan ku dhexmarey hoyga magaalada Bosaso ka dagan yahay Asad Diano, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Farole, Gaas iyo Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Kulankaas ayaa, sida ay xogta caddeyneyso, waxaa uu diirada saararyey sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafkii ka dhashey isbadalkii lagu sameeyey hogaanka hay’ada PSF.
Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Garowe Online waxay u sheegeen in wadahadalka lagu xalinayo khilaafkaan meel wanaagsan marayaan.
Xiisadda ka dhalatay isbedelka dhanka hogaanka, ayaa saameyn ku yeelatay Ciidanka, waxaana hadda Boosaaso ka soconaya dadaallo dhinacyo badan ku lug leeyihiin oo lagu dhameynayo is-mariwaaga sababay gacan-ka-hadalka.
Ciidanka PSF ayaa waxaa taageero ka heli jireen dowladda Mareykanka, iyagoo loo tababaray la dagaalanka argagaxisada, oo wax badan ka qabteen sanadihii howlgalka socday.
Dowladda Mareykanka ayaa sanad kahor joojisay taageeradda ay siiso hay'adda Puntland Security Forces, sida uu Talaadada maanta ah faafiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.
Galka Baarista oo uu daadihiyo wariye Haaruun Macruuf ayaa soo xigtay sarkaal ka gaabsadey magaciisa sababo la xiriira in aan loo ogoleyn in uu ka hadlo arrimaha xasaasiga ah.
Sida ku xusan warbixinta, xukuumadda Washington ayaa u hakisay taageeradda PSF kadib markii hogaanka hay'addu diideen in ay kamid noqdaan cutubka Danab ee kamid ah kumaandooska Soomaaliya.
GAROWE ONLINE