Deni: Doorashada waa la wadayaa, dagaalkana waa la wadayaa

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa si dadban ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Puntland oo adkeysan kari culeyska siyaasadadeed ee 24 saac la saarey ayaa shir-saxafadeed uga hadlay xaalada Laascaanood.

Deni oo warbaahinta kula hadlay Madaxtooyadda Garowe ayaa waxa uu yiri: "Dulqaadkii waa iga dhammaaday intaa wixii ka badan uma dul qaadan doono dumarka iyo carruurtayada hortayada lagu jiidayo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata Deni oo si dadban ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland ayaa raaciyey: "Doorashadana waa la wadayaa, dagaalkana waa la wadayaa; labada halloo diyaar garoobo".

Maamulka Somaliland ayuu cod dheer ugu baaqay in ay joojiyaan "beegsiga" ay ku hayaan shacabka Sool oo uu hoosta ka xariiqay in ay ayaga u madax-banaan yihiin go'aaminta masiirkooda.

"Wixii dadka reer Somaliland ay uga caban jireen dowladdii hore ee milatariga [Soomaaliya] in maanta ay [ayaga] sameynayaan waa wax aan la aqbali karin," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhawaqa Deni ayaa ayaa kusoo hagaagay kadib shir albaabada u xiran yihiin oo uu la yeeshay ku xigeenkiisa Karaash. Labada mas'uul ayaan isku-aragti ka ahayn qadiyaddan.

Ku dhowaad 20 qof ayaa ku nafwaayay shaqaaqooyinka xarunta gobolka Sool tan iyo todobaadkii hore. Beesha Caalamka ayaa waxay ku baaqdey in nabad lagu soo dabaalo Laascaanood wadahadalna la galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM