Deni iyo Biixi oo "is-afgarad" ka gaarey qadiyadda Laascaanood

Image
Puntland ayaa waajahaysa culeyska rayidka kasoo barakacay Laascaanood iyo dhaawacyada laga keenay halkaasi.

GAROWE, Puntland - Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool waxaa a taagan xaalad u kacsan muddo gaaraysa 11 maalmood iyada oo ay dagaalo ku dhex-mareen dadka degaanka iyo ciidamada Somaliland.

Puntland ayaan dagaalkaas ka aamustay iyada oo madaxweynaha maamulkan, Siciid Cabdulaahi Deni oo warbaahinta madaxtooyada kula hadlay uu sheegay in aan Laascaanood iyo Caluula "waxba isaga xirnayn".

Siyaasiga Cumar Ismaaciil Waabari oo waraysi siiyay Garowe Online ayaa yiri: "Deni wuxuu kula heshiiyay Muuse Biixi in uusan ku khash-khashaadin diiwaan-gelinta gobalka Sanaag isna uu ka aamusayo xasuuqa Laascaanood".

Madaxtooyada Puntland ayaa dhawaan baahisay in madaxweyunuhu uu hadlayo balse taasi ma aanay suuroobin iyada oo uu afhayeenkiisu ku qoray bartiisa Facebook "in cilad farsamo ay ku timid arintaasi".

Waabari oo sii hadlaya ayaa raaciyey: "Siciid Cabdulaahi Deni waa in maxkamadda sare dacwad laga geeyo Sool waxay kamid tahay dalkii uu u dhaartay mana jirto meel dastuurka wax ka badal loogu sameeyay".

Diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee doorashooyinka golayaasha deegaanka oo dhawaan Garowe waxaa ka dhalatay gacan ka hadal waxaana uu sheegay in madaxweynuhu ku arintaas ka leeyahay dano .

"Deni sidii uu magaaladda Boosaaso dagaalada uga riday ayuu rabaa in uu Garowe uga rido oo uu reer nugaaleed isugu diro waxaa u muuqata dantiisa gaarka ah," ayuu raaciyey.

Puntland ayaa waajahaysa culeyska rayidka kasoo barakacay Laascaanood iyo dhaawacyada laga keenay halkaasi waxaana aan wali shaqo muuqata qaban guddiga gargaarka ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM