Deni iyo hogaanka safaarada Mareykanka oo wadahadalo yeeshay

Image
Wadaxaajoodkan ku qabsoomay khadka telefoonka ayaa diiradda lagu saarey amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo hogaanka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxay yeesheen wadahadalo dhanka telefoonka ah.

Sidda lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee safaaradda, wadaxaajoodka ayaa looga hadlay arrimo ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah "shabakadaha argagixisada caalamiga ah".

"Shalay waxaa wadahadalo dhanka telefoonka oo wax ku ool ah yeeshay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo wali ah Puntland u ah xulafo ay ku tashan karto marka laga hadlayo la dagaalanka shabakadaha argagixisada caalamiga ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxtooyadda Puntland ayaa illaa haatan waxay dhankeeda soo saarin qoraal ay ku sharaxeyso fahfaahinta wadaxaajoodka Deni iyo hogaanka sarre ee safaaradda Ameerikaanka.

Washington ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay Soomaaliya xarun uga dhigtey howlgaladeeda muhiimka ah ee ka hortagga kooxaha argagixisada ee isku-fidinaya gobolka.

Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari waxay bishii Janaayo ku dileen horjooge sarre oo ka tirsanaa Daacish.

Bilaal Al-Suudaani ayaa wuxuu ahaa sarkaalka ugu sareeya ajaaniibta ka tirsan garabka ISIL ee Soomaaliya. Xafiiska maaliyadda ee maleyshiyada ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa maskaxddii maamuleysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM