Deni iyo Karaash oo isku-maan-dhaafay qadiyadda Laascaanood

Image
Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa yeeshay kulan natiijo la'aan kusoo dhamaadey.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland ayaa xalay shir degdeg ah la yeeshay wasiirada Dhabancad, Juxa iyo saraakiil ciidan ay ku jiraan taliyaha daraawiishta iyo Morgan, sidda Garowe Online ogaadey.

Kulankan ayaa, sidda ay xoguhu tilmaamayaan, waxa uu yimid kadib markii Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo xaalada Laascaanood.

Wararka laga helayo illo lagu kalsoon yahay ayaa intaas ku daraya banaanka magaalada Garowe ay u baxeen Xildhibaano iyo saraakiil ciidan lagana yaabo in uu Karaash ku biiro Axada maanta ah.

Xildhibaanada gobolada Sool iyo Sanaag ayaa wararku sheegayan iney qoreen mooshin ay ku dalbadeen in baarlamaanka Puntland kulan degdeg ah isugu yimaadaan.

Dhanka kale, Karaash, ayaa ka baxay caasimadda Garowe ka gadaal markii ay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni isku-maan-dhaafeen qaabka loo wajahayo qadiyada Laascaanood.

Deni ayaa qorshihiisu yahay in uu tago magaaladda Boosaaso halkaasoo uu doonayo in uu si qasab ah uga hirgeliyo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka tooska ah ee lagu muransan yahay.

Dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ay ku midaysan yihiin (PUNSAA) ayaa war-murtiyeed ay soo saartay waxaa ay kaga dayrisay xaalada shacabka Laascaanood.

PUNSAA ayaa waxay daaha ka rogtey in 21 qof la dilay, 100 ka badan ay dhaawac yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin xaalad bini'aadannimo oo adag.

Baaris ay samaysay ''PUNSAA'' ayay tibaaxdey in ay ku ogaadeen in ciidamadu ay laayeen dad shacab ah ayna u dhaqmeen "si ka baxsan diinta, dhaqanka iyo xeerarka caalamiga ah".

Hay'addaha gargaarka gudaha iyo dibadda ayay ugu baaqday in ay il gaar ah ku hayaan xaalada dadka danyarta ah maadaama oo muddo todobaad ah uu xiran yahay ganacsiga iyo isku-socodka xarunta gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM