Afar sano guurada Deni: Horumar Puntland mise naaxinta qoys?

Image
Siyaasadii ayaa ganacsi noqotey. Xalkii ayaa xabad noqdey. Dimuqraadiyadii ayaa ku darsi lagu goobayaa.

GAROWE, Puntland – Afar sano dhameystiran ayaa kasoo wareegatay xilheynta Saciid Cabdullaahi Deni ee hogaaminta Puntland. Tani ayaa ka dhigan in uu guda-galay sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa shanta (5) sano ah.

Munaasabad ka dhacdey Madaxtooyadda, Deni ayaa u dabaaldegay afar-sano guuradaas kasoo wareegatay tan iyo markii la doortey. Xaflada ayaa ciwaan looga dhigay "Bangiga Wax-qabadka xukuumada iyo daahfurka qorshaha 2023".

Dib-u-dhiska ciidamadda, fulinta mashaariic horumarin sida dhismaha iyo dayactirka waddooyin si lamid ah hirgelinta dimuqraadiyad ayaa kamid ahaa qodobada uu Deni sheegay in uu ku guuleystay afartii xagaag ee lasoo dhaafay.

Hase ahaatee, kooxda diyaarisay xayeysiiskaas ayaa iska-indha-tiray daldaloolo aan horey loogu arag taariikhda maamulka Puntland kuwaasoo bar madow oo aan tirmi doonin ku ah siyaasadda iyo waayaha Saciid Cabdullaahi Deni.

Siyaasada Puntland iyo Federaalka

Is-qabqabsiga siyaasadeed ayaa kusoo laab-laabtey hogaanka Puntland afartii sano ugu dambeysay. Madaxweynaha ayaa dhextaal u ahaa khilaafkaas. Mar madaxwayne ku xigeenka ayay is-haayeen mar kalane guddoomiyaha baarlamaanka.

Is-mari-waaga afhayeenka Golaha Wakiilada, Dhooba-daareed, ayaa isku-badalay gacan ka hadal. Xafiiska madaxweynaha ayaa la sheegay in uu abaabulay weerar dhiig ku daatay oo lagu ekeeyay baarlamaanka kahor xil ka xayuubinta Dhooba-Daareed.

Deni ayaa sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in uu maleegay qorshe xasaanadda looga xayuubiyey 8 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland kadib markii ay muujiyeen in ay ka aragti-duwan yihiin hanaankiisa hogaamineed.

Xukuumadda Deni ayaa sidoo kale waxay Boosaaso ka riday iska-hor-imaad khasaaro sababay khasaaro naf iyo maal. Isku-dhacaas wuxuu ka dhashay is-faham-waa siyaasi ah oo kala dhaxeeya taliyaha ciidanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dowladda federaalka – labaduba maamulada Farmaajo iyo Xasan Sheekh – ayuu la galay dagaal-siyaasadeed oo salka ku haya in uu noqdo madaxweynaha federaalka oo ku fashilmay 2022 mar kalana oo uu raajicinayo sanadka 2026-ka.

Mashaariicda iyo qandaraasyadda

Inkasta oo ay xaqiiqo tahay in xukuumadda Deni fulisay mashaaric horumarineed sida wadada dayactirka Boosaaso-Gaalkacyo, haddana fulinta qandaraasyaddaas ayaa saamiga ugu badan waxaa qaatay qoyska madaxweynaha.

Masharuucyada qaar sidda ballaarinta garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa qeybta ugu badan la siiyey shirkad ay leeyihiin qoyska Deni. Sidoo kale, mashruuca dekada Garacad ayuu isku-dayay in uu door ku yeesh balse ku hungoobay.

Hab-dhaqankan naaxinta qaraabadda, guriga iyo xigtadda madaxweynaha ayaa ugub ku ah degaanadda Puntland hase ahaatee waxay ku abtirsan doonan waayaha Deni, waana caado aysan lahayn dhamaan madaxdii hore ee maamulkan.

Sidoo kale, hanaankan ayaa Deni ku maareeyay siyaasadda gaar ahaan magacaabida xilalka muhiimka ah oo uu ku taxay shaqsiyaad qaraabo la ah taasoo sarre u qaaday shaqo la’aanta dhalinyaradda wax ku baratay gudaha dalka iyo dibadda.

Dimuqraadiyad mise dibin-daabin? 

Ciwaanka ugu weyn ee qorshaha Deni lasoo shir-tagay sanadka 2023 waa hirgelinta dimuqraadiyad. Hase ahaatee, waxaa burinaya talaabooyin iyo hab-dhaqan uu muujiyey sanadihii tagay. Tani waxay abuurtey shakiga in uu jiro shirqool kale.

Deni ayaa ku suntan madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee doorasho ku dhex-qabta xero doorasho. Waa xulistii Xildhibaanadda heer federaal ee 2021-22. Waa boobkii ugu weyn ee muddo ka yar 20 daqiiqo lagu doortey 16 mudane.

Dadka la socda siyaasadda ayaa is-waydiinaya sidda Deni uga hadli karo ama u hirgelin karo dimuqraadiyadda isaga oo qaab noocaas ah u maareeyay doorashadii Xildhibaanada heer federaal ee ka qabsoontey Boosaaso Maajo 5, 2022.

Qaar kamid ah ururadda siyaasadda iyo madasha siyaasadda Puntland ayaa si wadajir ah uga digay cawaaqib ka dhalan kara "dibin-daabada" uu maleegayo Deni oo ay ku sheegeen in ay tahay "muddo kororsi oo keeni karta firaaq dastuuri ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM