Deni oo daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose ee Puntland oo ay diyaarisay isla markaana daabacday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Buugta Waxbarasho oo ku qoran saddex luuqadood ( Soomaali, English iyo Carabi) ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee dalka laga hirgeliyo waxaana dhameystiran oo maanta la daahfuray Fasalka koowaad illaa Afraad, iyadoo hadana la bilaabay diyaarinta iyo daabacaada Dugsiga Dhexe.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, isagoo muujiyay muhiimada ay leedahay in lagu guuleystay diyaarinta iyo daabacaada wejiga koowaad ee Buugta Waxbarasho, madaama dugsiga hoose yahay asaaska waxbarasho ee ardayga.

Dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweynuhu Abaalmarino guddoonsiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hay’addaha kala shaqeeyay, la teliyeyaasha ka talo bixiyey, xarumaha Cilmibaarista iyo Howl-wadeenada kale ee kala shaqeeyay Wasaaradda diyaarinta iyo daabacaada Buugta.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM