Deni oo daahfuray machad shaqo muhiim ah qabanaya
GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Axadda maanta ah wuxuu si rasmiya ah u daah-furay Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.
Machad-ka ayaa loo qorsheeyay sanadka u horeeya in uu tababaro 1,000 Shaqaale ah, kuwaasi oo macalimiintii tababari lahayd iyaga waxbarasho loogu dirayo Kenya Bishan gudaheeda.
Waxaa mashruucan iska kaashanaya Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya, iyadoo wada shaqeyn toos ah ay dhexmari doorto Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Dowladda Kenya iyo Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.
"Qofka Shaqaalaha ah hadii uusan tababar helin, waxaa dhacaysa in qofku uu u maleeyo in Hay'adda reerkiisa geeyeen in uu ka tagona ay adkaanayso, sida meelaha qaarkood ka taagan," ayuu yiri.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa raaciyey: "Sidaasi darteed muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay machadka tababarka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland".
Deni ayaa Puntland ku hoggaamiyay Siyaasad lagu tayeynayo Dowladdnimada iyo adeegayaasha Bulshada, waxaa hore loo tababaray Ciidamada hadana Waxaana la billaabaya tababarista Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.
GAROWE ONLINE