Deni oo dhaqaale ka raadinaya Jaadka xilli waqtiga kasii dhacayo

Image
GO ayaa ogaatay in Deni uu doonayo in shirkad uu leeyahay wiilkiisa ay uruuriso dakhliga kasoo xarooda Jaadka.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu olole xooggan ugu jira sidii jeebkiisa shaqsiga ah ugu dhici lahayd dhaqaalaha kasoo xarooda qaadka Miiroowga dalka Kenya oo la filayo in loo furo suuqa Puntland.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, Deni oo ku guda bilooyinkii ugu dambeeyay xilheyntiisa ayaa qadiyadan wadahadal kala galaya madaxda dowlada federaalka ah gaar ahaan madaxwayne Xasan Sheekh.

GO oo la hadashay illo wareedyo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa hogaamiyaha Puntland ayaa si lamid ah waxay ogaatay in Deni uu doonayo in shirkad uu leeyahay wiilkiisa ay uruuriso dakhliga kasoo xarooda Jaadka.

"Qadiyadan waxay kamid tahay sabahaha ugu waaweyn ee soo dadajisay safarkiisa magaalada Muqdisho," ayay raaciyeen illo wareedyadda. "Arrimaha kale waa xilal la magacaabayo iyo la kulanka saraakiil Ameerikaan ah".

Qaadka Miiroowga oo Soomaaliya uga yimaada dalka dariska al ah ee Kenya ayaa Wasaaradda Maaliyadda federaalka waxay ku canshuurtaa 3.5 doolar Kiiladii. Ganacsatada Jaadleyda ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyey lacagtan.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar kale oo horey uga mid ahaa soona qabtey xilal aad u sareeya – hase ahaatee xiriir dhow la leh Villa Soomaaliya – ayaa la aaminsan yahay in loo xiray keenida Jaadka Kenya.

Warar kale oo madax-banaan ayaa tibaaxaya in xafiisyada ugu sareeya dalka qeybtood ay saamiileyaal ka yihiin mashruucan iyo in madaxda federaalka ay ganacsiga maandooriyahan u adeegsanayaan ku dajinta xiisadaha siyaasada.

Bishii June ee sanadkan 2022 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay xayiraadda ka qaadey Jaadka Kenya oo horey loogu soo rogay bishii May, 2020-ka sababo ku aadan Covid-19 balse dadka qaar la xiriiriyaan siyaasad.

Cel-celis ahaan, Jaadleyda Kenya ayaa maalin walba waxay Soomaaliya u soo dhoofiyaan qiyaastii in ka badan 200-tan oo Qaad ah. Macaashka maaliyadeed ee ay ka hesho ayaa lagu qiyaasaa malaayiin doolar-ka Mareykanka.

Bishii August ee sanadkan 2022, wargeyska Bossiness Daily ayaa wariyey in ganacsatada Jaadka Kenya ay afar maalmood gudaheeda ay Soomaaliya u soo dhoofiyeen 81-tan Jaad ah ayna ka faa’iideen aduun lacageed dhan $1.8 milyan  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM