Deni oo Garowe kula kulmay wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Madaxtooyada Puntland oo qoraal soo saartey ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay qodobada looga hadlay wadaxaajoodyada.

Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha kala duwan ee dowladda Puntland kana mid yihiin wasiiro ayaa qeyb ka ahaa kulanka.

"Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19".

Puntland ayaa heer gabagabo ah marsiinaysa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha dowladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.

Is-aragan ayaa kusoo aadaya xilli lagu guda jiro todobaadyaddii ugu horeeyay ee dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gaareen hogaamiyeyaasha Soomaalida kaasoo soo afjaray hubanti la'aan jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM