Deni oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari

Image
Magacaabida hogaanka cusub ee gobolka Bari ayaa kusoo hagaagtey xilli magaalada Boosaaso ay wali ka jirto xiisad aan buurneyn.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Cabdirisaaq Cali Siciid ayaa, sidda ku xusan digreetadan lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Siciid ayaa wuxuu bedelayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed [Abwaan] kaasoo u dalacay xubinimadda Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya isaga oo meteli doona dowladda Puntland.

HOOS KA AHRISO WAREEGTADDA MAGACAABIDA

Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Magacaabida hogaanka cusub ee gobolka Bari ayaa kusoo hagaagtey xilli magaalada Boosaaso ay wali ka jirto xiisad aan buurneyn oo ka dhalatay isbedelka lagu sameeyay agaasinka hay'adda Puntland Security Forces.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM