Deni oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari

Image
Magacaabida hogaanka cusub ee gobolka Bari ayaa kusoo hagaagtey xilli magaalada Boosaaso ay wali ka jirto xiisad aan buurneyn.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Cabdirisaaq Cali Siciid ayaa, sidda ku xusan digreetadan lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Siciid ayaa wuxuu bedelayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed [Abwaan] kaasoo u dalacay xubinimadda Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya isaga oo meteli doona dowladda Puntland.

HOOS KA AHRISO WAREEGTADDA MAGACAABIDA

Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Magacaabida hogaanka cusub ee gobolka Bari ayaa kusoo hagaagtey xilli magaalada Boosaaso ay wali ka jirto xiisad aan buurneyn oo ka dhalatay isbedelka lagu sameeyay agaasinka hay'adda Puntland Security Forces.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM