Deni oo hortagaya baarlamaanka dowladda Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida todobadka soo aadan hor-tegeya Baarlamanka Puntland, sida lagu sheegey farriin-qoraaleed loo diray xildhibaannada.

Mudaneyaal ayaa u sheegey Garowe Online in madaxweynuhu golaha uga warbixinayo is-marin-waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo mowqifka ay qaadan karto Puntland.

"Waxaan rajeynaynaa in warbixinta madaxweynuhu noqon doonto mid macluumaad badan ka siin doonta dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland xaalada cakiran ee dalku wajahayo," ayuu ku daray sharci-dejiye.

Mudane kale oo magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in uu u waramo warbaahinta ayaa kulanka Deni ku sifeeyay "mid taariikhda baal dahab ka geli doona".

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu sidoo kale latashiyo oa sameeyo siyaasiyiin iyo qeybo kale oo kamid ah bulshada, kolkaas kaddib ay Puntland soo saarto mowqifkeeda arrimaha taagan ee Soomaaliya.

"Kulanka baarlamaanka wuxuu bilow u ahay latashigaas. Mowqifka Puntland ee isgoyska ay haatan taagan tahay Soomaaliya wuxuu kusoo bixi doonaa qaab aad looga taxadaray," ayuu ku daray.

Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku dhowaad bil u joogay caasimada Muqdisho si loo dhameeyo is-faham-waaga. Balse, maamulka Farmajao wuxuu "diidey xal kasta oo kasoo jeediyey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM