Deni oo ka aamusan qulqulatooyinka magaalada Laascaanood

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa u ololeeyay in war-murtiyeedkii shirka wadatashiga lagu soo daro dagaalkii Boosaaso.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka aamusan qulqulatooyinka kasoo cusboonaadey magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Rabshadahan ayaa ka dhashay dilal qorsheysan oo magaaladda ka dhacay. Dadweynaha ayaa dhigay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland oo ay khaarjinta ku eedeeyeen.

Deni ayaa ka hadalka arrintan waxa uu ka door-biday in uu ka shaqeeyo dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah kana mid tahay muddo kororsi iyo gorgortan uu la galo madaxda dowladda federaalka.

"Madaxweynaha waxaa uu lahaa curinta in war-murtiyeedkii shirkii wadatashiga qaranka lagu soo daro dagaalkii Baydhabo, isaga oo iska-indho-tiray xaaladda Laascaanood," ayay sheegeen illo war-gal ah.

Dadka la socda siyaasadda ayaa aaminsan in Deni uu isku-xijinayo Koonfur Galbeed si uu cadaadis ugu saaro Villa Soomaaliya iyo in hogaanka dowlad goboleedkaas uu xukunka baaqi kusii ahaado.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] iyo mas'uuliyiin kale oo ksoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, ayaa tacsi ka diray eheladda dadkii ku naf-waayay Laascaanood.

Mas'uuliyiin kale oo ay ku jiraan wasiiro oo ka dhinac-hadlay Karaash ayaa "xasuuq" ku tilmaamay waxa ka socda Laascaanood iyadda oo ku booriyey dadweynaha "kacdoon ay ku diidan yihiin gumeysiga".

Dhanka kale, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa ku eedeeyay Somaliland "shirqoolka ku saleysan laynta ee shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn" waxaana ay dhaleeceeyeen madaxwayne Deni.

Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa in muddo ah waxaa gacan ku hayntiisa isku-haya Somaliland iyo Puntland. Dagaalo qaraar oo dhowr jeer ka dhacay waxaa ka dhashay dhimashi iyo dhaawac balse xal waara ma dhalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM