Deni oo qaabilay wafdi socday Hayádda ICRC

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta Cas ee ICRC.

Wafdiga oo lagu qaabilay qasriga Madaxtooyadda ayaa la sheegay in uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland ninka lagu magacaabo Tim Philip Ros.

Mr Ros ayaa lagu waramay in uu wehlinayey isku-uduwaha ammaanka goobaha shqada iyo maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Madaxtooyada dowlada Puntland ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin baaxad weyn oo ku saabsan qaabka shirka u dhacay iyo tafaasiishiisa.

"Madaxweynaha  Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda," ayaa lagu yiri qoraalka lagu faafiyey barta Madaxtooyada ee Facebook.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland".

Hay'adda ICRC ayaa gacan ka geysatay dedaalo nabadeyn ah oo la kala dhex-dhigay Puntland, Galmudug iyo Somaliland gaar ahaan colaado ka qarxay gobolka Mudug iyo qeybo kamid ah gobolada SSC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM