Deni oo shaaciyey in la baarayo dhacdooyinkii Boosaaso

Image
Bulshada ayuu la wadaagay in Dowladda Puntlaand ay u taagantahay kala danbeynta.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Telefishinada iyo Warbaahinta Bulshada si toos ah ugala hadlay dadweynaha kadib dagaalo ka dhacey magaalada Boosaaso.

Deni oo soo muuqdey kadib afar maalmood oo Boosaaso ka dhacdey dagaal ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada, amniga iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, wuxuu faray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mardanbe  dhicin xabad.

Intii uu hadaljeedinta ku guda jiray, Deni ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay isdejiyaan Dowladda oo u tureysana ay fursadsiinayso nabadd in wax lagu dhammeeyo.

Dadkii ay saameeyeen shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso ayuu la wadaagay dareenkooda iyo in uu ka xunyahay in Agaasimihii hore ee PSF uu xaafadaha magaalada ku duqeeyo Hoobiyeyaal "arrintaasi oo mustaqbalka u baahan baaritaan sax ah".

Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka howlgalay Boosaaso ayuu faray in gurmadka iyo garab istaagga u muujiyaan dadka barakacay iyo in ay dhakhso loo gaarsiiyo gurmadka loona fududeeyo sidii dadku ugu laaban lahaayeen guryahoodii iyo noloshoodii caadiga aheyd.

Ugu danbeyn, Bulshada ayuu la wadaagay in Dowladda Puntlaand ay u taagantahay kala danbeynta, sareynta Sharciga iyo awooda Dastuuriga ah ee lagu heshiiyay.

"Sidaasi oo ay tahayna waxay Puntland diyaar u tahay Soona dhoweysay  dadaalka nabadeed ee Isimada iyo Waxgaradka Puntland ay billaabeen, Iyadoo Dowladdu siinayso nabadeyntaasi fursad fiican," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM