Deni oo uu ku kordhay cadaadiska siyaasadeed ee xilliga kala guurka

Image
Muddo xileedka xukuumadda haatan jirta ayaa waxaa ka haray bilooyin iyadda oo isha lagu hayo 8-da Janaayo 2024.

GAROWE, Puntland - Wafdi ay kala hogaaminayaan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya C/weli Gaas iyo Cumar C/rashiid ayaa Isniintii gaaray magaaladda Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ujeedka imaatinkooda ayaa ah ka qeyb qaadashada dadaalada lagu qaboojinayo khilaafkii ka dhashay doorashada halka dhinac ahayd oo horaantii bishan ay ku naf waayeen dad ka badan 20 ruux.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ayaa ku biiray Odayaal dhaqameedyo kale oo dhawaan gaaray magaalada Garoowe si ay wadahadal ugu furaan mucaaradka iyo xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni.

Cumar C/rashiid ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in meesha laga saaro ismari waaga jira, wuxuuna yiri “Waxaa naga go’an inaan xalinno ismari waaga jira, doorashadii ugu horreysay waxay ku dhacday si ammaan ah, waxaana rajeyneynaa in arrimaha dhiman lagu dhameeyo si lagu qanco".

C/weli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa kasoo horjeeda tallaabooyin keeni kara in muddo kororsi loo sameeyo madaxda maamul goboleedyada oo uu kamid yahay Deni.

Labadan mas'uul ayaa mid walba waxa uu si cad uga digay in madaxweyne Deni uu ku dhaqaaqo wax kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo horumarka Puntland.

Bishii Maajo, Puntland waxay qabatey doorashadii ugu horreysay ee maxalli ah oo hal qof iyo hal cod ah muddo nus qarni ah laga qabto Soomaaliya marka laga reebo Somaliland, oo isagu isku haysta dal balse aan la qoonsaneyn.

3,775 musharax oo la sheegay in ay ka kala socdeen todoba ururo siyaasadeed oo uu ku jiro ururka talada haya ee Kaah ayaa ku tartamay 774 kursi doorashadii golaha deegaanka ee dhacday 25-kii May.

Hase ahaatee, mucaaradka ayaa si weyn u qaadacay waxayna sheegeen in uusan daahfurneyn geedi-socodka isla markaana xukuumadda ay sameysay hanaan ay ku boobto coddeynta.

Siyaasiyiinta awoodda ku leh gobolka Nugaal ee Puntland ayaa qaadacay doorashada, taasoo ku qasabtay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland inay dib u dhigaan doorashada saddex ka mid ah 33-ka degmo ee gobolka oo ay ku jirto xarunta gobolka ee Garoowe.

Safarka ay Garowe ku gaareen Gaas iyo Sharmaake ayaa cadaadiska ku kordhinaya xukuumadda Deni taas oo ka dhaga-fureysatay baaqyadda ku aadan in ay miiska wadahadalka kusoo laabato si loo helo xalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM