Dhaliisha isbedelka xeer-hoosaadka oo laga jawaabay

Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac [Kuluc] kaasoo duray wax ka bedelka xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada maamulkan.

Bayaanka ayaa lagu beeniyay in wax ka bedelka uu baalmarsan yahay dastuurka Puntland laguna sameeyay qaab waafaqsan qodobadda 74aad, 75aad iyo 76aad ee xeer-hoosaadka xeer-dejinta.

"Ma jiro qodob kamid ah xeer-hoosaadka oo sheegaya in Xildhibaanada dib loosoo dooran waayo ay mushaharkooda u heli doonan bil walba si joogto ah," ayaa la raaciyey qoraalkan lagu faafiyey barta Facebook-ga.

Bayaanka oo ku taariikheysan 13-ka bisha Julaayo, sanadkan 2021-ka ayaa la raaciyey "[Balse] wuxuu sheegayaa in Xildhibaanada la siinayo mushaharkooda muddo laba iyo tobban (12) taasoo ah sii sagootis ah".

Sida ku xusan warka qoraalka ah, Xildhibaan Axmed Kuluc ayaa "ka maqnaa dhamaan fadhiyaddii uu golaha kaga go'aan qaadanayey wax ka bedelka iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda".

Is-qabqabsiga ka dhashay wax ka bedelka xeer-hoosaadkan la meelmariyey 4-tii Julaayo, 2021 ayaa u muuqaneysa mid cirka isku sii shareertay, waxaana ay dhawaqa baarlamaanka imaanayaa xili fasax uu ku jiro.

Fasaxaas oo saddex maalmood ah kana bilaabaneysa shalay oo Isniin ahayd ayaa waxaa loo siiyey mudaneyaasha in ay kusoo akhriyaan Hindise-Xeereedka Dhawrista Goobaha Taariikhiga ah oo shalay loo wada qeybiyey.

Hoos ka akhriso bayaanka guddoonka Golaha Wakiilada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM